4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2019
Wasiirradda Wasaaradaha Waxbarashada iyo Amniga oo Jowhar gaaray

 

Sabti, May, 18, 2019 (HOL)-Magaalada Jowhar xarunta u ah dowlad gobolleedka Hirshabeelle waxaa goor dhaw oo maanta ah gaaray wafdi ka socda dowladda Soomaliya oo ay hoggaaminayaan wasiirka Wasaarradda Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre iyo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

Wafdiga waxaa markii ay tageen Jowhar ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Wasiiro ka  tirsan maamulka Hirshabeelle, waxaana loo galbiyay xarunta Madaxtooyada maamul gobolleedka Hirshabeelle.

Ujeedka safarka xubnahan ka tirsan Golaha wasiirradda xukuumadda Soomaaliya ku tageen Jowhar ayaa lagu micneynayaa sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka dhax-shay go'aankii uu dhawaan Wasiirka Waxbarashada ku joojiyay Imtixaankii dowladda ee socday, waxaana xusid mudan in madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo boqolaal ardey ah kula hadlayay Jowhar u sheegay in wixii hadda ka danbeeya waxbarashada deegaannada Hirshabeelle uu mas'uul ka ahaan doono maamulka Hirshabeelle, isaga oo waqtigaa ku amray kormeerayaashii ka socday Wasaarradda in ay deg deg uga baxaan deegaannada Hirshabeelle. 

Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale dhawaan magacaabay  guddi arrimaha imtixaanaadka ka talabixiya waxaana  shalay ay guddigan la kulmeen bahda waxbarashada ee magaalada Jowhar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]