4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 18, 2019
Duqa Muqdisho oo Shir Caalami ah uga qeyb galay Japan


Sabti, May, 18, 2019 (HOL)-  Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa dalka Japan kaga qeyb galay shirka Caasimaddaha horumarka ku talaabsanaya oo ay kasoo qeyb galeen Madaxda ka socotay Caasimadaha Dalalka Afrika, Aasiya iyo Koonfurta Amerika.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyey Bangiga Adduunka ayaa diiradda lagu saaray hannaanka horumarinta caasimadaha,Xal-u-helidda arrimaha Baracayaasha, xallinta caqabadaha iyo jaangoynta qorshe howleedka Dawladaha Hoose.

Duqa Muqdisho ayaa khudbadda uu ka jeediyey shirka waxa uu kaga warbixiyey guulaha dhanka maamul, xaaladda amni iyo qorsheyaasha uu hiigsanayaan Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu horumarinayo Caasimadda Muqdisho.

“Waxaan soo dhaweeynaynaa in aan ka arrinsanno dardar gelinta is-dhaafsiga khibradaha dhanka Maamulka, tababarrada iyo xoojinta wada shaqeynta, si loo kabo maamullada Dawladaha Hoose ee dalalka soo koraya.”

Guddoomiye Yarisow ayaa ku bogaadiyey Bangiga Adduunka sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda.

Dhanka kale, Wafdiga uu hogaaminaayo Duqa Muqdisho ayaa kulan kula qaatay magaalada Tokyo ee Hey'adda dhinaca Horumarinta u qaabilsan dalka Japan ee loo yaqaan JICA (JIKA) isagoona kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin qorshaha lagu horumarinayo arrimaha bulaacadaha iyo Waddooyinka, taasi oo ah qorshe uu Maamulka Gobolka Banaadir ku doonayo in uu ku horumariyo Caasimada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]