4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2019
Wasiirka Dib-u-heshiisiinta Hirshabeelle oo la kulmay maamulka degmada Feer-Feer ee Ismaamulka Soomaalida


Arbaco, May, 15, (HOL) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Dib-u-heshiisiinta dowlad gobolleedka Hirshabeelle Eng Cabdikariin Cali Nuur ayaa markii ugu horeysay socdaal nabadeed ku tagay degmada Feer-Feer ee Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya.

Wasiirka iyo xubnihii la socday waxaa soo dhaweeyay guddoomiyaha degmada Feer-Feer Cabdirashiid Ibraahim Dhaqane oo ay kulamo gaar ah wada qaateen wasiirka iyo wadigiisa.

Guddoomiyaha degmada Feer-Feer oo kulamada kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin dhankooda in markii ugu horeysay ay halkan [Feerfeer] ku kulmaan wafdi ka socda maamul gobolleedka Hirshabeelle.

‘’Ujeedada socdaalka wafdigan iyo wax-yaabihii aynu ka wada hadalnay waxaa ay ahaayeen nabad-galyadii aynu awalba ka wada xiriiri jirnay dalkan aynu dariska nahay ee Soomaaliya, gaar ahaan dowlad gobolleedka Hirshabeelle, Annaga iyo Wasiirka waxeynu ka wada hadalnay arrimo dhowr ah oo nabad=galyada quseeya ayuu yiri’’ guddoomiyaha degmada Feer-Feer.

Wuxuu gaar ahaan guddoomiyuhu sheegay in Wasiirka ay isla soo qaadeen sidii looga shaqeyn lahaa nabad-galyada dadka labada dhinac ee had iyo jeer isku guur-guura oo inta badan laga yaabo in ay ka abuuranto nabad-galyo darada.

Wasiirka Wasaarradda Dib-u-heshiisiinta maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in dhamaaba waxyaabihii ay ka wada hadleen maamulka degmada Feer –feer isku afgarteen.

‘’Waxaan runtii ku faraxsannahay sida uu noo soo dhaweeyay guddoomiyaha degmada, waanan isku afgaranay dhamaanba waxyaabihii aan ka wada hadalnay oo ay ugu horeyso deegaameynta dadka iyo sidii nabad-galyada bulshada labada dhinac looga wada shaqeyn lahaa’’ ayuu yiri Wasiirka Dib-u-heshiisiinta maamulka Hirshabeelle.

Safarkan Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa imanaya xili sanadihii ugu danbeeyayba colaado ka taagnaayeen deegaannada xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waana markii ugu horeysay oo maamulka labada dhinac ay ka wada hadlaan arintan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]