4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2019
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Oo Afur u Sameeyay Golaha Abwaannada Soomaaliyeed

Arbaco, May, 15, 2019 (HOL) - Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya , Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa caawa afur u sameeyay golaha abwaannadda Soomaaliyeed.

Kulanka afurka ah ee Ra’iisul wasaare ku-xigeenku u sameeyay abwaannada ayaa lagu lafa guray kaalinta abwaannadu ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta, horumarinta bulshada iyo dhismaha dawladnimada.

Afurka uu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku u sameeyay golaha ayaa waxaa ka qayb galay wasiirrada maaliyada iyo warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha dastuurka.

Guddoomiyaha ku-xigeenka Golaha abwaannada Soomaaliyeed, Abwaan Xirsi Maxamed Weheliye, ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga mahad celiyay afurka uu u sameeyay golaha, waxa uuna ka sheekeeyay dadaalka abwaannadu ay soo geliyeen dhismaha dawladnimada iyo dib-u-heshiisiinta.

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisaka iyo wasiirka maaliyadda ayaa labaduba ka hadlay kulanka afurka ah uu Ra’iisul wasaare ku-xigeenku u sameeyay golaha abwaannada Soomaaliyeed, waxa ayna ka sheekeeyeen kaalinta dowrka abwaannada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dhismaha dawladnimada iyo wacyi gelinta.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in abwaannadu ay kaalin muhiim uga jiraan bulshada, hal abuur, dhaqan suuban, suugaan iyo ruwaayado ay ku cabbiraan dareenka shacabka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]