4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 14, 2019
Ardey ku dhaawacantay dibadbax ka dhacay magaalada Beledweyne

Talaado, May, 14, 2019 (HOL)- Inta la xaqiijinayo Labo ardey ayaa ku dhaawacantay dibadbax looga soo horjeedo hadalkii xalay ka soo yeeray Wasiirka Wasaarradda Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre oo saakay ka dhacay magaalada Beledweyne.

Ardey ka careysan joojinta Imtixaankii u socday saddexdii cisho ee la soo dhaafay ayaa dibadbax ka dhigay qeybo ka mid ah magaalada, hasse ahaatee rasaas ay ku fureen ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay haleeshay labo ka mid ah ardeydii dibadbaxa dhigayay.

Ciidamada rasaasta ku furay ardeyda ayaa la sheegay in ay ilaalo ka ahaayeen Hotel ay magaalada ka degenaayeen qaar ka mid ah kormeerayaal ka tirsan Wasaarradda Waxbarashada.

Labada ardey ee uu dhaawacu soo gaaray ayaa ka kala tirsanaa Dugsiyada Sheekh Maxamed Macalin iyo Sigma ee magaalada Beledweyne.

Hadalkii xalay ka soo yeeray Wasiirka Wasaarrada Waxbarashada ee ahaa la joojiyay Imtixaankii dowladda ee maalmahan socday ayaa caro ba’an ku abuuray inta badan ardeydii ka qeybqaadaneysay Imtixaanka kuwaa oo meelo kala duwan dibadbax ka dhigay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]