4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2019
Barakacayaasha Qollaji ee is-maalulka Soomaalida Itoobiya oo xaaladooda laga dayrinayo xilli Ramadaan lagu guda jiro

Isniin, May, 13, 2019 (HOL) - Xerada Barakacayaasha ee Qollaji ayaa waxaa ku nool barakacayaal aad u tiro badan kuwaas oo siyaabo kala duwan ooga soo barakacay meelihii ay hadda ka hor degganaayeen.

Haddaba barakacayaashan ayaa xaaladooda laga dayrinayaa iyadoo wakhti xaadirkan lagu guda jiro bisha Ramadaan aadna ugu baahan yihiin inay helaan Afur wanaagsan oo ku filan.

Qoysaska ku jira xeradan Qollaji ayaa ah qoysas aad u liita, oon habayaraatee heli karin waxay ku soomaan, iyagoo dayac badan ka muuqdo xeradan marka aad dhex istaagto.

Dhawaan ayaa degaanka laga bilaabay barnaamij wax loogu ururinayo dadkan barakacayaasha ah, taas oo ay iska kaashadeen dhalinyaro iskood isu xilqaantay iyagoo dawladda kaashanaya inkastoo wali uusan barnaamijkaasi toos u hirgalin.

Barakacayaasha degaanka ku nool ayaan ahayn kuwa Qollaji oo kaliya, balse kuwa kale ayaa jira iyagoo qaar kamid ahna dhawaan dib loogu celiyay goobihii ay kasoo barakaceen, waxaana hadda ugu daran kuwan ku jira xeradan Qollaji.