3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2019
Wasiir Goodax : Waxaan hakinay Imtixaankii dowladda ee maalmahan socday

 

Isniin, May, 13, 2019 (HOL) – Wasiirka Wasaarradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in hakad galiyay Imtixaankii dowladda ee Saddexdii cisho ee la soo dhaafay ka socday guud ahaanba dalka Soomaaliya, kaddib markii la helay qeyb ka mid ah qishka Maadooyinka Imtixaanka lagu galayo.

Maalmihii ugu danbeeyayba baraha bulshada waxaa lagu arkay qeybo ka mid ah maadooyinka lagu keenay sanadkan Imtixaanka dowladda gaar ahaan Carbiga iyo Xisaabta oo loo gacan galiyay qaar ka mid ah ardeyda, taasoo keentay in Wasaarradu go’aankaa qaadato.

‘’ Wasaarradu markii ay latashatay inta bah-wadaaga waxbarashada la ah, waxaa noo soo baxday in aynu joojino Imtixaankii socday ee dowladda, kaddib markii la bax-shay ama la helay qishka qaar ka mid ah Maadooyinkii Imtixaanka lagu keenay’’ ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu sheegay Wasiirka in labadii cisho ee la soo dhaafay Imtixaankii ay ardeydu galleen laga soo qaadayo waxba kama jiraan ‘’ Waxaa go’aan lagu gaaray in Imtixaankii dhamaantiis la baaba’sho oo dib loo qaado, waxaa uu dib bilaabanayaa haddii uu alle idmo 27ka bishan isaga oo socon doona ilaa 31ka, waxaa ay wasaarradu ku talagashay markan in si ka adag sidii loo hore loo qaado Imtixaanka, islamarkaana intaa uu socdo dalku uusan ka jiri doonin isticmaalka baraha bulshada’’ ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu sheegay in saddexdii cisho ee la soo dhaafay Lixdii Maado oo la qaaday dhamaantood lagu arkay iyaga oo suuqa yaalla, sidaa daraadeed ayuu sheegay in aan waxba laga soo qaadi doonin Maadooyinkii ay ardeydu Imtixaanka ku galleen saddexdaa cisho ee la soo dhaafay.

‘’Waxaa wax laga xumaado ah in ay jiraan dad iyada oo waliba lagu jiro bisha Ramadaan ka ganacsanaya Imtixaanka, arintan xitaa waxaa ku lug leh Waalidiin, sidaa daraadeed ma aqbaleyno in ardey dadaalay uu soo garab fariisto mid kale oo Imtixaankii gacanta ku sita’’ ayuu yiri Wasiir Goodax.

Waa markii ugu horeysay tan markii uu soo bilaawday Imtixaanka dowladda in ay dibada u soo baxaan qishka  Maadooyinka lagu keenay Imtixaanka, waxaana arintaa lagu tilmaamay in ay tahay dayacaad ka timid dhinaca Wasaarradda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 













Click here
5/13/2019 8:45 PM EST
Isniin, May, 13, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni oo caawa warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyadda Puntland ee magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey shirkii Iskaashiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-gobolleedyada oo natiijo la'aan ku dhammaaday.

5/13/2019 5:21 PM EST
Isniin, May, 13, 2019 (HOL) - Korontada ayaa inta badan laga gooyaa degaanada uu ka kooban yahay dalka Itoobiya, iyadoo Korontadii joogtada ahayd ay toddobaadkii maalin ama maalin badhkeed ka maqnaanayso magaalooyinka degaanada uu dalku ka kooban yahay.

5/13/2019 4:34 PM EST
Isniin, May, 13, 2019 (HOL) - Xerada Barakacayaasha ee Qollaji ayaa waxaa ku nool barakacayaal aad u tiro badan kuwaas oo siyaabo kala duwan ooga soo barakacay meelihii ay hadda ka hor degganaayeen.

5/13/2019 3:14 PM EST
Isniin, May, 13, 2019 (HOL) – Ciidamada booliska ayaa qabtay Cabdi Keyse Tungub oo gobolka Sool uga wakiil ahaa TVga Bulsho fiidnimadii caawa sida ay HOL u sheegeen dhalinyaro ay wada socdeen.

5/13/2019 12:48 PM EST
Isniin, May, 13, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddi ka shaqeeya dhamays-tirka qorsha dayn cafita dalka oo meel gebo gebo ah maraya.

5/13/2019 9:03 AM EST
Isniin, May, 13, 2019 (HOL)-Sanad kasta oo la xuso 18 May oo ah maalintii Somaliland u astaysay in ay dib uga noqotay midowgii Soomaalida ee 1960kii ayaa magaalada Laascaanood waxaa ka dhaca rabsho u dhexeeya Booliska oo mararka qaar ay caawiyaan milaterigu iyo shacabka marka laga reebo labadii sano ee la soo dhaafay.

5/13/2019 8:33 AM EST
Isniin, May, 13, 2019 (HOL)- Weerar arbubaash ah ayaa la sheegay inay la kulmeen maraakiib mararyay xeebaha dalka Imaaraadka Carabta.

5/13/2019 8:20 AM EST
Isniin, May, 13, 2019 (HOL)- Ugu yaraan 15 ruux geeryootay tiro kalana waa ay dhaawacmeen, shil gaari oo ka dhacay magaalada Nairobi iyo gobolka Waqooyi Bari ,sida laga soo xigtay saraakiisha.

5/13/2019 8:05 AM EST
Isniin, May 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse BIixi ayaa sheegay in cid kasta oo jabisay sharciga oo kala qaybisa wada jirka dadka xilka uu doono ha hayee in gacan bir ah lagu qaban doonno.

5/13/2019 7:40 AM EST
Isniin, May, 13, 2019 (HOL)- Siyaasi Maxamed Cali Yuusuf , oo maanta suxufiyiinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaadday inuu ka qeybgalayo doorashada madaxweynaha Jubbaland ee dabayaaqada sannadkan ka dhacaysa magaalada Kismaayo.

5/13/2019 7:00 AM EST
Isniin, May, 13, 2019 (HOL)- Askarti ka tirsan ciidanka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa saddex askari ku dilay gudaha xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidanka AMISOM.

5/13/2019 4:19 AM EST
Isniin, May, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa meesha ka saaray in uu fashil ku soo dhamaaday shirkii madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobolleedyada ay ku lahaayeen magaalada Garoowe.

5/13/2019 2:23 AM EST
Isniin, May, 13, 2019 (HOL) - Warar goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegay in ay go’day Buundada deegaanka Ceel Gaal oo ka tirsan degmada Beledweyne, taasoo muhiim u aheyd isku socodka dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha gobollada Koonfureed iyo Waqooyiga Soomaaliya.

5/13/2019 2:02 AM EST
Isniin, May, 13, 2019 (HOL) – Deegaan ku yaalla duleedka degmada Caynaba oo ay degganyihiin qoysas danyar ah ayaa waxaa saameyn xooggan ku yeeshay roobabkii deegaanka ka da'ayay,iyadoo ay biyo qaadeen dhismayaal cooshaddo ahaa oo ay degganyihiin.

5/13/2019 1:37 AM EST
Isniin, May, 13, 2019 (HOL) – Duulimaadyadii tooska ahaa ee isku xirayay Soomaaliya iyo Kenya oo lagu qasbay inay sii maraan garoonka diyaaradaha ee Wajeer si baaritaanno dheeraad ah loo mariya ayaa si dhaqso ah waxaa qaylo dhaan uga muujiyay rakaabkii u horreyay ee sii maray Wajeer.

5/13/2019 1:23 AM EST
Isniin, May, 13, 2019 (HOL) – Wasiirrada maaliyadda ee dowlad-gobolleedyada dalka ayaa qaadacay xeerka canshuuraha ee Sabtidii ay wasaaradda maaliyadda federaalka u gudbisay golaha shacabka.

5/13/2019 1:11 AM EST
Isniin, May, 13, 2019 (HOL) – Duuliye u dhashay dalka Myanmar ayaa qaaday tallaabo geesinimo leh,markii ay cilad soo wajahdey diyaarad rakaab oo uu waday, wuxuu sameeyay in diyaaradda uu ku dejiyay garoon diyaaradeed iyadoo ay u bixi waayeen lugaha hore ee diyaarada.

5/13/2019 1:01 AM EST
Isniin, May, 13, 2019 (HOL) –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedreaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeer amni ku tegay taliska Qaybta Guud ee booliiska gobalka Banaadir iyo Isgoysada ay ku sugaynyihiin ciidamada sugaya amniga caasimadda, ayaa booqday xarunta hagista iyo ka jawaabidda numberka 991 ee Booliisku dhawaan howl geliyeen si shacabku ay ugu soo gudbiyaan xogaha ay helaan.