4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2019
Maraakiib ay leeyihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka oo la weerarray

Isniin, May, 13, 2019 (HOL)-  Weerar arbubaash ah ayaa la sheegay inay la kulmeen maraakiib mararyay xeebaha dalka Imaaraadka Carabta.

Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in laba ka mid ah maraakiibteeda saliidda qaada ay waxyeello xooggan kasoo gaartay weerar Axaddii loogu gaystay xeebta Imaaraadka Carabta.

Wasiirka tamarta Sacuudiga ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibta la weeraray uu ku socday dekedda Ras Tanura, sii uu uga soo qaado saliid la gayn lahaa Mareykanka.

Imaaraadka Carabta aya sidoo kale shalay sheegay in afar markab oo ganacsi weerar arbushaad ah loogu gaystay meel ku dhow biyaha Gacanka Cuman, hase yeeshee ma bixin wax faah-faahin ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa isku dayga weerarkan minjo xaabinta ah ku tilmaantay halis soo korodhay' beesha caalamka ayayna ugu baaqday "in ay ka hor tagto ficilo noocaas oo kale ah" oo mustaqbalka dhaca.

Horraantii Axaddiina madaxda magaalada Fujairah ee dalka Imaaraadka ayaa diiday warar ay saxaafaddu qortay oo sheegay in uu qarax ka dhacay dekedda.

Dowladda Mareykanka ayaa maanta soo saartay digniin ku aaddan 'ficillo lagu arbushayo' maraakiibta ku safarta xeebaha Imaaraadka Carabta.Digniintan ayaa timid xilli ay sare usii kacayso xiisad ka dhex ooggan Mareykanka iyo Iran.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran, Abbas Mousavi ayaa sheegay in weerarada lagu qaaday maraakiibta ay yihiin 'kuwa lagu baraarugo oo laga qoomameeyo'. Waxa uu ku baaqay baaritaan lagu sameeyo weerarada, waxaana uu ka digay gacmo shisheeye oo halis faraha la galaya, si ay u arbushaan ammaanka badda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]