4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2019
Siyaasi Maxamed Cali Yuusuf oo Muqdisho kaga dhawaaqay inuu u sharraxanyahay xilka madaxweynaha Jubbaland

Isniin, May, 13, 2019 (HOL)-  Siyaasi Maxamed Cali Yuusuf , oo maanta suxufiyiinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaadday inuu ka qeybgalayo doorashada madaxweynaha Jubbaland ee dabayaaqada sannadkan ka dhacaysa magaalada Kismaayo.

" Waxaan halkan kaga dhawaaqaya inan ka mid ahay ragga isu taagaya tartanka hoggaanka Jubbaland... Jubbaland darteed ayaan u joogsaday inan xilka raadiyo, waxaan ahay nin ay lixi jeclo ka heyso dalka iyo dadka Jubbaland, waxaan ahay nin ku dhashay wax ku bartay Jubbaland ee deegaanka kuma imaan doolal". ayuu yiri musharrax Maxamed Cali Yuusuf.

Musharraxa ayaa sheegay inuu horey uga soo noqday Jubbaland xildhibaan oo uu door ka soo qaatay dhismaha Jubbaland, xilligaa oo uu tilmaamay si daacadnimo leh inuu ugu soo shaqeeyay shacabka Jubbaland.

"Waxaan ku dhiirraday inan isu-taago qabashada xilka ugu sarreeya Jubbaland anigoo ogsoon xilliga adag iyo xaaladda khalafsan oo gabi-ahaan ay Soomaaliya mareyso , annigoo fahansan in deegaankeenu uu yahay  mid leh ahmiyad , taas oo kalifaya soo jiidashadda indhaha umaddaha caalamka .. annigoo yaqiinsan in hoggaanka uu waqtiga ka dhammaaday uu yahay mid ku fashilmay xilkii weynaa ee loo igmaday .. waxaan halkan ka sheegaya sababta aan ugu dhiirraday ka qeybgalka doorashadan inay tahay mid kaliya taas oo ah Jubbaland darteed". ayuu yiri Maxamed Cali .

Wuxuu ugu baaqay shacabka Jubbaland inay midoobaan oo ay codkoodda ku doortaan cidda ay u arkayaan inay ka sama-bixin karto xaaladaha ka jira gobolka, wuxuuna sheegay inuu isagu yahay mid doonaya horumarka iyo isbeddel ka dhaca Jubbaland, isagoo marka caddeeyay inuu ahmiyada koowaad siinayo midnimada bulshada Jubbaland.

Doorashada madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu wadaa in la qabto bartamaha bisha Ogoosto ee dabayaaqada sannadkan,iyadoo madaxweynaha xilka haya uu ballanqaaday inaysan maalin dib u dhici doonin doorashada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]