3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 21, 2019
Xukuumadda Soomaaliya oo meel marisay Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Dhab-u-heshiinta Qaranka

Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)-  Kulan ay golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ay Muqdisho ku yeesheen maanta ayaa lagu ansixyay Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Dhab-u-heshiinta Qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiista Soomaaliya isla markaana lagu soo go'aamiyey tubta siyaasadda loo dhanyahay.

Golaha ayaa cod wadar ogol ah ku ansixiyay Istaraatiijiyadda iyo Qorshaha Dhab-u-heshiinta Qaranka oo muhiim u ah dalka maadaama laga soo kabanayo dagaallo, lana doonayo in dalka laga hirgeliyo nidaam dimuqaraadiya oo sax ah lana jaan-qaadi kara dunida, dadka Soomaaliyeedna ay aaminsan yihiin.

Shirka maanta oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya,Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale lagu meel mariyay wax ka beddel lagu sameeyay sharciga canshuuraha iyo dib-u-eegsi lagu sameeyay sharciga dawladda Hoose.

Golaha Wasiirrada oo kulankooda maanta ku oggolaaday soo jeedin ay golaha soo hor-dhigtay Wasaaradda arrimaha dibadda xukuummadda federaalka Soomaaliya, ayaa Cabdixakiim Cumar Cabdullaahi (Cameey) u dallacsiiyay darajada safiirnimo.

Shirka golaha wasiirrada ayaa magacii hore looga bedelay hay’addii Saadaasha Hawada iyo Duulista Rayidka oo loo bedelay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
3/21/2019 1:54 PM EST
Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Qaraxan oo ahaa nooca lagu rakibo gaadiidka ayaa goor dhaw ka dhacay Isgoyska KM4, iyadoo uu ku dhintay gaariga qof magaciisa lagu sheegay Eng Maxamed Abdi Karie.

3/21/2019 12:10 PM EST
Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Shirkadda Dahab Shiil ayaa Qoraal ay soo saartay si adag uga jawaabtay Barnaamij laga baahiyay TV-ga Al-Jazeera qeybta Afka Carabta oo ku saabsanaa xiriirka xiriirka Dahabshiil iyo xiriirka DP World oo ku jirtay barnaamij ku saabsanaa dagaalka dekeddaha ee Geeska Afrika.

3/21/2019 11:52 AM EST
Khamiis, March 21, 2019 (HOL)- Shirkii golaha Wasiirada Somaliland ayaa maanta ansixiyey siyaasada shaqaalaha rayidka ah, sidoo kale waxa goluhu soo jeediyey in la horkeeno xeerka maamulka dhulka ee wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, si xal waara loogu helo khilaafaadka dhulka.

3/21/2019 11:46 AM EST
Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Golaha wasiirrada Puntland oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaad laha ahaa ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay miisaaniyadda xukuumadda ee muddada sannadkan ka dhiman.

3/21/2019 11:32 AM EST
Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qayb galay shir looga hadlayo ka hor-tagga iyo la dagaallanka rabshadaha salka ku haya Xag-jirnimada.

3/21/2019 11:31 AM EST
Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Tan iyo intii ay bilaabatay colaadda Soomaalida iyo Oromada ayaa waxaa xidhan guud ahaan jidka laamida ah ee u dhaxeeya Jigjiga ilaa Addis Ababa.

3/21/2019 7:37 AM EST
Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho,iyadoo kulanka uu guddoomiyay guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Shiiq Cabdiraxmaan.

3/21/2019 7:18 AM EST
Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyaynta Puntland ayaa maanta shaacisay shuruudaha laga doonayo xubnaha ka mid noqonaya golayaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

3/21/2019 7:06 AM EST
Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daahfuray mashruuc ballaaran oo taageerraya waxbarashada Puntland,iyadoo oo ay ku baxayso adduun lacageed oo dhan 7.2 Milyan oo doollarka Marekanka ah.

3/21/2019 6:00 AM EST
Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Bandhig aqooneed socday muddo saddex cisho ah ayaa lagu soo gebagebeeyey xarunta kambaska Dr. Shahiid ee Jaamacadda Benaadir oo ku yaalla degaanka km-13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

3/21/2019 5:52 AM EST
Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)-Dowladda dalka New Zealand ayaa sheegtay in ay joojin doonto isticmaalka nuucyada hubka ee dadka rayidka ah, ka dib markii dalkaasi ay soo mareen xaaladdii ugu xumeyd ee lagu laayo 50-ruux oo ku jiray Masjid.

3/21/2019 12:30 AM EST
Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)-Dowladda Mareykanka ayaa amar ku bixisay in dib loo eego ruqsadda duullimaadka diaayaradaha Boeing 737 Max 8 sida ay ku heleen.

3/21/2019 12:24 AM EST
Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)-Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay 10 degmo oo ka mid noqonaya degmooyinka deegaannada uu ka arimiyo maamulka Galmudug.

3/21/2019 12:19 AM EST
Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay degmada Buula-Mareer uu dagaal culus ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Ururka Al-shabaab.