4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2019
Gawaadhida leh lambarka SM oo wali kaxaniban jidka u dhaxeeya Jigjiga ilaa Addis Ababa

 

Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Tan iyo intii ay bilaabatay colaadda Soomaalida iyo Oromada ayaa waxaa xidhan guud ahaan jidka laamida ah ee u dhaxeeya Jigjiga ilaa Addis Ababa.

Haddaba Jidkan ayaa waxaa uu ka xidhan yahay gawaadhida uu ku xidhan yahay lambarka SM oo loo soo gaabiyay Soomaali, kaas oo laga bixiyo degaanka Soomaalida.

Gawaadhidan lambarkan wata ayaa waxaa ay soo gaadhaan ilaa baabili oo ka tirsan degaanka Oromada, hadii ay baabili soo dhaafaana waxaa ay la kulmaan dhibaato iyo handadaad.

Geesta kale gawaadhida lambarada degaamada kale ee dalka wata ayaa sitoos ah uga shaqaysta degaanka Soomaalida mana jirto cid la hadasha ama dhib u gaysta, waxayna gaadhaan ilaa wajaale.

Haddaba arrintan ayaa dhibaato ku noqotay shacabka Soomaaliyeed ee wata gawaadhida leh lambarka SM, waxayna dadka qaar door bideen inay iska badalaan SM oo ay ku badashaan lambarada kale ee degaamada dalka.

Arrintan ayaa in badan lagala hadlay Dawladda Degaanka Soomaalida iyo Fadaraalkaba, mana jirto ilaa iyo hadda wax xal ah oo laga gaadhay arrintan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]