Dowladda New Zealand oo joojineysa hubka ay isticmaalaan rayidka
Khamiis, Maarso, 21, 2019 (HOL)- Dowladda
dalka New Zealand ayaa sheegtay in ay joojin doonto isticmaalka nuucyada hubka
ee dadka rayidka ah, ka dib markii dalkaasi ay soo mareen xaaladdii ugu xumeyd
ee lagu laayo 50-ruux oo ku jiray Masjid.
Ra’iisal wasaaraha dalkaasi haweeneyda lagu magacaabo acinda Ardern ayaa
sheegtay in la mamnuuci doono dhammaan nuucyada hubka u dhaca darandooriga e
eku jira gacanta shirkadaha gaarka ah iyo dadka rayidka ah.
Haweeneydaasi ayaa intaa ku dartay in ruqsadaha ama shatiyada lagu bixiyo ka
ganacsiga nuucyada hubka lala noqon doono ,isla markaana la soo celinaayo hubka
gacanta ugu jira dadka rayidka ah.
Inkastoo dalka New Zealand ay hareeyeen toogashadii dhcday maalinimadii
Jimcaha ,haddana E/wasaaraha waxa ay sheegtay in 11-ka bisha April ay fileyso
in Baarlamaanku uu soo saaro sharci lagu joojinaayo hubka ee xagga dadweynaha.
Brenton Tarrant oo ah ninka geystay dhimashada dadka Muslimiinta ah ayaa la
sheegay in uu dalka New Zealand uu ka heystay shatiga qoryihii uu ku laayey
dadkaasi.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]