Walaaca dowladda ee ciidamada ka soo baxaya Agagga dagaalka
Arbaco, Maarso, 20, 2019
(HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya
ayaa bilaabay in ay si is daba joog ah uga soo baxaan deegaannadii ay kaga
sugnaayeen qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya iyo Agaggii dagaalka ay isku
hor fadhiyeen Al-shabaab, iyaga oo ka cabanaya mishaar la’aan baahsan oo la soo
daristay.
Tallaabadii ugu danbeysay
ciidamadu waxaa ay ku soo faarujiyeen deegaanno iyo degmooyin dhowr ah oo ka
tirsan labada Shabeelle, qeybo ka mid ah deegaannada ay ka soo baxeen ciidamada
waxaa la wareegay markiiba xoogagga Al-shabaab.
Arintan ayaa markiiba saameyn ku
yeelatay madaxda ugu sareysa dalka oo bilaabay in ay wafdi Wasiirro iyo
saraakiil isugu jira u diraan ciidamadan si wada xaajood loola furo looguna
qanciyo in ay dib ugu laabtaan deegaannadii ay ka soo baxeen.
Degmada Balcad waxaa gaaray wafdi
isugu jira Wasiirro iyo saraakiil ciidan oo la filayo in ay halkaa kula hadlaan
ciidamadii isaga soo baxay aagagii ay uga sugnaayeen gobolka Shabeellaha dhexe.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen
Daahir Aadan Cilmi Idhaqarshe oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in la
kordhiyo miisaaniyada ku baxda ciidamada xoogga dalka, si taasi loo hirgeliyana
loo baahan yahay in la ogaado tirada saxda ah ee ciidamada.
Waxa uu tilmaamay in askari xanuunsan ama tababar
iyo fasax ku maqan maahee askarta kale looga baahan yahay in ay xaadir ku
ahaadaan goobta dawladda ay ku ogtahay, isaggoo xusay in khalad ay tahay in
fasax la’aan laga maqnaado tiro koobka ciidanka lagu wado.
Ciidamada gadoodka ka sameeyay gobolka
Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in ay ka mid yihiin ciidamada u diiwaangashay
Wasaarradda Gaashaandhigga islamarkaana aan helin xaquuqdii ay ku lahaayeen
dowladda iyaga oo u muuqda in ay ka jawaabayeen hadalka ra’iisal wasaaraha ee
ahaa in Askari kasta oo diiwaangashay mishaarkiisa si toos ah loo siiyo.
Xildhibaanno iyagana arintan ka hadlay ayaa
sheegay in madaxda Qaranku fashilmeen xaq siinta ciidamada, halka qaarkoodna ay
ku baaqeen in ay xilka iska casilo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]