4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 20, 2019
Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhiggay xarunta kaydka xogta Deegaanka iyo Biyaha

Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada xarunta ah ee Garoowe ka dhagax dhiggay xarunta xogta Khayraadka Deegaanka iyo Biyaha (Integrated Land and Water Resource Management) oo ah xarun lagu kaydin doono khayradka dalka sida Deegaanka iyo Biyaha.

Dhagax dhigga xaruntani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan) masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha xukuumadda Puntland, saraakiil ka socotey Hay’adda FAO, maamulka Degmada, kan Gobolka Nugaal iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

"Waxaa sharaf weyn ii ah inaan kasoo qayb galo xaruntan dhagax dhiggeeda oo runtii qiimo gaar ah bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland faa’iido gaar ah u leh, mudadii aan burburka ku jirney xarun noocaan oo kale ah waa xaruntii ugu horeysey ee Soomnaaliya laga fuliyo qiimo gaar ah oo aad u weyn ayeey inoo leedahay, waxaan aad uga mahadcelinayaa intii kasoo shaqaysay nooc kastoy tahay, waxaan uga mahad celinayaa hay’addaha deeq bixiyaasha ah oo mar walba la garab taagan sidii dalka iyo dadka ay u hormarin lahaayeen". ayuu yiri madaxweyne Deni.

Dhismaha xaruntan ayaa noqonaya xaruntii ugu horreysey ee laga hirgeliyo Soomaaliya illaa waxkhtigii uu dalku burburay, waxaana mashruucaan maalgaliyey Midowga Yurub, isla’markaana waxaa fulinaysa hay’adda FAO oo kaashanaysa xukuumadda  Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]