Hargeysa:Masuuliyiin lagu eedeeyey musuqmaasuq oo maanta xabsiga loo taxaabay
Arbaco, Maarso, 20, 2019 (HOL)- Agaasimihii guud ee
wasaaradda warfaafinta Somaliland Dr: Cismaan Xuseen Warsame iyo agaasimaha
maamulka iyo lacagta Telefishanka Qaranka Xasan Maxamuud Muxumed ayaa maanta
xabsiga loo taxaabay ka dib markii hanti dhawruhu ku eedeeyey arrimo
musqmaasuq.
Agaasimaha guud ee wasaarada Warfaafinta
Dr Cismaan Xuseen Warsame ayaa sadex cisho ka hor iska casilay xilka wasaaradda
waxaanu sheegay in arrimo caafimaad uu xilka u hayn kari waayey.
Wasaaradda warfaafinta waxa ka socday baadhis
maaliyadeed, waxaana eeddo musuqmaasuq dul hoganaysa madaxda sare ee
wasaaradda,waxaana la filayaa in wasiirka laftiisa xilka laga qaado maadaama oo
lagu eedeeyey arrimo musuqmaasuq.
Hanti dhawrka ayaa inta badan wasaaradaha iyo
hay’adaha dawladda ka waday baadhitaan lacageed, waxaana la filaya in maalmaha
soo socda ilaa sideed mas'uul xabsiga loo taxaabo kuwaas oo ay ku jiraan wasiiro
sida illo lagu kalsoon yihiin noo xaqiijiyeen.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.