4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2019
Wasaaradda Kalluumeysiga oo Doomo iyo Qalab ku wareejisay Kalluumeeysato


Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Soomaaliya ayaa maanta doomo iyo qalab ku wareejisay kalluumeeysato todobaadkan tababar uga socday magaaladda Caasimadda ee Muqdisho .

Wareejintaan oo ka dhacday Dugsiga tababarada culuumta badda ee Jaamacadda City oo uu tababarkan ka socday maalmahan ayaa waxaa masuuliyiintii ka qayb gashay ka mid ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow , Serge Tissot  Wakiilka Soomaaliya u qaabilsan FAO , John Purvis Madaxa Qaybta Kalluumeysiga ee FAO ,Iidle Siyaar wasiirka Kalluumeysiga ee Hirshabeelle , Cabdikariim Jaamac oo ah madaxweynaha jaamacadda City iyo Madax ka socotay Iskaashooyinka gobolada dalka .

Kalluumeeysatadan maanta doomaha iyo qalabka lagu wareejiyay ayaa kala socday toban Iskaashato oo ka jira gobolka Banaadir , Hirshabeelle iyo Koonfurgalbeed Soomaaliya , waxaana la siiyay doomo casriya oo cabirkoodu yahay 7.5 iyo 8.5 iyo waliba dhamaan qalabka lagu Kalluumaysto oo dhameyntiran oo uu jiro .

Ugu horeyn waxaa hadal ka jeediyay madasha wareejintu ka dhacaysay  Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda mudane Cabdullaahi Cumar  Abshiroow  , isagoona talo iyo dardaaran u soo jeediyay kalluumeeysatadan tababarkan u soo xirmayay ee doomaha lagu wareejinayay isagoona sheegay in laguma xisaabtami doono qof walba waxaa maanta loo dhiibo .

Wasiirka ayaa waxaa uu intaan ku daray in Iskaashaatadii  ama qofkii  doomaha iyo qalabkan la siiyay ilaashata in wasaaradda iyo Hey’aada FOA ay ku abaal marin doono qalab iyo wax kasta oo ay u baahan yihiin .   

Dhinaca kale  Serge Tissot  Wakiilka Soomaaliya u qaabilsan FAO oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in Hey’aada FOA ay garabtaan tahay  Kalluumeysada Soomaaliyeed , isagoona intaas raaciyay in saddexdii biloodba lagu kor joogtayn doono Kalluumeeysada doomaha iyo qalabka lagu wareejiyay lagula xisaabtami dooni  .

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]