4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2019
Shantii Cutub ee ugu dambeysay Dastuurka KMG oo lagu Wareejiayay Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada Dastuurka

Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgalinta Dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku wareejiyay shan cusub oo ka tirsan Dastuurka Guddiga madaxa bannaan ee la socodka iyo hirgalinta Dastuurka iyo Wasaarada Dastuurka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgalinta Dastuurka Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa ugu horeyn sheegay in shantii Cutub ee ugu dambeysay ay ku wareejinayaan Guddiga madaxa bannaan ee la socodka iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka Xukuumada Federaalka Soomaaliya si ay wada xaajood kaga soo yeeshaan.

Muumino Sheekh Cumar, Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga madaxa bannaan ee la socodka iyo hirgalinta Dastuurka ayaa dhankeeda sheegtay in shanta Cutub ee lagu wareejiyay ay waajibaadkooda shaqo ka gudanayaan.

Sii hayaha ahna Wasiir ku xigeenka Wasaarada Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin gaba gabada uu marayo Dastuurka KMG ee dib u eegista lagu samaynayay dhawaana ay bilaabayaan wacyi galinta iyo la tashiga bulshada ku dhaqan dowlad goboleedyada iyo degmooyinka dalka.

Dastuurka kumeelgaarka ah ee dib u eegista lagu samaynayay waxaa horay loo dhamaystiray oo la gudbiyay 10 Cutub, iyadoo haatana shantii ugu dambaysay maanta la gudbiyay, waxaana marka la soo dhammeystiro xigaysa in la billaabo wacyi galin iyo in la horgeeyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]