4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2019
Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Xamar weyne

Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) ayaa guddoomiye cusub u magacaabay degmada Xamar weyne,sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.

Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka , ayaa guddoomiyaha degmada Xamar weyne loogu magacaabay Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir,kaaso horay xilka usoo qabtay.

Magacaabiista guddoomiyaha cusub ayaa ka dambeysay,kaddib markii shaqo ka joojin lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee Xamar weyne,Cumar Shariif Jeeg ,isagoo marka lagu eedeyay inuu aflagaadeeyay ciidanka Booliska Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]