4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2019
George W Bush: Qaxootigu waa naxariis

Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka George W Bush ayaa amaanay saameynta ay dadka soo galootiga ah ku leeyihiin waddankiisa, xilli uu khudbad u jeedinayay dadkii dhawaan la siiyay dhalashada Mareykanka.

George W Bush oo hadda 72 sano jir ah ayaa soo noqday madaxweynihii 43-aad ee Mareykanka waxaana uu xilka hayay intii u dhaxeysay sannadihii 2001-dii ilaa 2009-kii.

Isagoo hambalyo u jeediyay dadka cusub ee kusoo biiray muwaadiniinta Mareykanka ayuu sheegay in dalku uu mar walba u baahan yahay iyaga oo kale.

"Wakiillada la doortay ee Mareykanku waxay leeyihiin waajibaad looga baahan yahay inay ku sharciyeeyaan dadka soo galaya waddanka iyo kuwa ka baxaya. Iyadoo la waafaqayo mas'uuliyaddan waxay kaloo na xasuusineysaa in taariikhda dadka soo galootiga ah ee Mareykanka ay naga dhigtay waxa aan nahay maanta", ayuu yidhi Bush.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in iyadoo aan sharciga laga soo hor jeedsaneynin haddana qaxootigu ay yihiin dad horumar u horseeday Mareykanka.

"Xitaa annagoo og in culeys badan uu ka jiro dhinaca nidaamka, waa ineynaan waligeen illoobin in qaxootiga soo galaya uu yahay naxariis iyo awood dheeraad ah".

Siyaasigan rug caddaaga ah oo 2 jeer xilka madaxweynaha Mareykanka soo qabtay, ayaa sheegay in dadka muwaadiniinta ah badankood aysan garwaaqsanin in dadkan qaxootiga ah ay noqonayaan madaxda mustaqbalka.

Bush ayaa Isniintii ka hadlayay munaasabad qarameyn ah oo lagu qabtay mac-hadka George W Bush ee magaalada Dallas ee gobolka Texas.

Hadalka Mr Bush uu ka yidhi arrimaha soo galootiga ayaa loo arkay mid si weyn dhabar jab ugu ah maamulka madaxweyne Donald Trump, oo horay u qaaday tallaabooyin lagu xakameynayo dadka qaxootiga ah ee galaya Mareykanka.

Donald Trump ayaa markii uu waday ol'olihiisa doorashadii madaxtinnimada ee 2016-kii waxaa qodobadiisa ugu waaweyn ka mid ahaa in la hor istaago dadka qaxootinimada ku gala dalkaas.

Markii uu xilka qabtay ayuu soo saaray go'aanno lagu xakameynayo soo galootiga, iyadoo maamulkiisa uu xayiraad kusoo rogay dadka uga imaada dalalka qaarkood.

Sidoo kale madaxweyne Trump ayaa hadda u xusul duubaya dadaal uu ku doonayo in darbi laga dhiso xadka u dhaxeeya Mareykanka iyo Mexico, arrintaasoo la isku mari la'yahay sidii dhaqaalaheeda loogu qoondeyn lahaa miisaaniyadda Dowladda.

Isha: BBC