4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2019
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo gaaray dalka Qadar

Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray magaalada Doha ee xarunta dalka Qadar,kaddib casuumad uu ka helay Amiirka dalkaas.

Abiy iyo wafdiga ku waheliya booqashada Qadar, waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Doha ku soo dhaweeyay wasiirka Isgaarsiinta Qadar, Jassim bin Saif Al Sulaiti .

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad al-Thani ayaa lagu wadaa in wada hadalo ku yeeshaan qasriga Madaxtooyada,iyadoo wada-hadallada diirradda lagu saarayo xiriirka labada dal, iskaashiga iyo xaaladaha ka jira gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan is beddelka uu hormuudka ka yahay Abiy Axmed.

Booqashada ra'iisul wasaaraha Itoobiya ee Qadar waa socdaalkii ugu horreyay ee uu dalka ku tagayo, waxaana safarkan uu  ku soo aaddaya, iyadoo 28-kii bishii February uu booqasho ku tagay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qadar ayaa diiradda saaraysa xiriirka gobolka Geeska Afrika oo ay ku loo-lamayaan waddamada khaliijka, waxaana Qadar ay xulufo dhow la tahay dowladda Soomaaliya oo ay siiso taageerro dhaqaale.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]