3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2019
Wararkii ugu danbeeyay xaalada degmada Balcad

 

Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Xaalada degmada Balcad ayaa degan kaddib dagaal culus oo xalay ku dhaxmaray gudaha degmada xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa howlgalka AMISOM.

Al-shabaab ayaa xalay saacado kooban la wareegay qeybo ka mid ah degmada, waxaana wararku sheegayaan in ay dab qabsiiyeen gaadiid iyo goobo ganacsi.

Dadka degmada oo warbaahinta la hadlay ayaa shegaya in xaaladu hadda degan tahay, islamarkaana socdaan howlgalo ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay dab qabadsiiyeen qeybo ka mid ah saldhigga Booliska iyo dukaan ku dhow Saldhigga, waxaana ay sii daayeen maxaabiis ku xirneyd saldhigga.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha nafeed oo ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay degmada maamulka degmada ayaa sheegay in ay sameynayaan tirakoobka khasaaraha kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Degmada Balcad ayaa Muqdisho u jirta 30KM, waxaa ay ka mid aheyd degmooyinkii laga saaray Al-Shabaab sanadkii 2012.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/19/2019 1:16 PM EST
Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)-Qarax nooca gaadiidka lagu rakibo ah ayaa goor dhaw ka dhacay ilinka hore ee xarunta CID magaalada Muqdisho , waxaana warar soo baxaya sheegayaa in gaariga qarxay uu watay sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya.

3/19/2019 11:00 AM EST
Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Soomaaliya ayaa maanta doomo iyo qalab ku wareejisay kalluumeeysato todobaadkan tababar uga socday magaaladda Caasimadda ee Muqdisho .

3/19/2019 10:51 AM EST
Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ehelada Caasha Ilyaas Aadan Qarjab oo dhowaan kufsi iyo dilka loogu geystey magaalada Gaalkacyo.

3/19/2019 10:29 AM EST
Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgalinta Dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku wareejiyay shan cusub oo ka tirsan Dastuurka Guddiga madaxa bannaan ee la socodka iyo hirgalinta Dastuurka iyo Wasaarada Dastuurka Soomaaliya.

3/19/2019 10:19 AM EST
Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisow) ayaa guddoomiye cusub u magacaabay degmada Xamar weyne,sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.

3/19/2019 10:03 AM EST
Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka George W Bush ayaa amaanay saameynta ay dadka soo galootiga ah ku leeyihiin waddankiisa, xilli uu khudbad u jeedinayay dadkii dhawaan la siiyay dhalashada Mareykanka.

3/19/2019 9:58 AM EST
Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada xarunta ah ee Garoowe,kaddib muddo labo toddobaad ah oo uu booqasho ku joogay magaalada Jabuuti iyo caasimadda Muqdisho.

3/19/2019 9:46 AM EST
Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Wasaaradda arrimaha gudaha dib u heshiisiinta iyo arrimaha Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq deg deg ah goor dhow ka soo saartay dagaallo ka dhacay deeganno ka kala tirsan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.

3/19/2019 7:21 AM EST
Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray magaalada Doha ee xarunta dalka Qadar,kaddib casuumad uu ka helay Amiirka dalkaas.

3/19/2019 6:12 AM EST
Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)-Dalka Uganda waxaa la joojiyay qaybinta mishaari la siinayay qaxootiga iyo dadka ay nafaqo-darrada hayso ee ku nool dalka Uganda, iyadoo cabsi laga qabo inay ku dhimatay haweeney da` ah.

3/19/2019 5:36 AM EST
Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Jaamacadda Banaadir ayaa markii ugu horeysay daah furtay Sheybaarkii ugu weyn ee noociisa ee laga daah furo dalka , kaddib munaasabad ka dhacday xarunta Jaamacadda.

3/19/2019 5:00 AM EST
Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)-Taliska ciidamada militariga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in qeybo ka mid dalka uu ka soconayo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

3/19/2019 1:27 AM EST
Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Ra’iisal wasaraha xukuumadda Soomaaliya oo xalay khudbad ka jeedinayay kulan looga hadlayay dardargalinta is dhaxgalka bulshada iyo laamaha Amniga ayaa soo hadal qaaday cabashada maalmihii ugu danbeeyay ay jeedinayaan qaar ka mid ah ciidamada dowladda.

3/19/2019 1:05 AM EST
Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Kulan oo ahaa mid looga hadlayay dardar gelinta isdhexgalka Bulshada iyo Hay’adaha Amniga, ayaa waxaa soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir oo uu guddoomiyaha ka yahay Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow.

3/19/2019 12:24 AM EST
Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay ka dhacay gudaha degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe oo sida la sheegay waqti kooban qeybo degmada ka mid ah la wareegeen dagaalyahannada Al-shabaab.