4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2019
Sheybaar laga daah furay Jaamacadda Banaadir


Talaado, Maarso, 19, 2019 (HOL)- Jaamacadda Banaadir ayaa markii ugu horeysay daah furtay Sheybaarkii ugu weyn ee noociisa ee laga daah furo dalka , kaddib munaasabad ka dhacday xarunta Jaamacadda.

Gudoomiyaha Jaamacada Benaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday iyo gudoomiyaha Mu'asasada Dr. Bushkuleeti ayaa si wadajir ah xariga uga jaray Sheybaarka kuliyadda handasada iyo Teknolojiyada ee Jaamacada Benaadir oo ah kii ugu horeeyey noociisa ee dalka laga hirgeliyo, ayna ku baxday lacag aad fara badan, waxayna Gudoomiyaha iyo Masuuliyiinta la socotay ku soo wareegeen qeybaha sheybaarkan oo ah mid casri ah, iyadoo warbixino ku saabsan qaabka uu shaqeynayo sheybaarkan ku siinayey Hormuudka kuliyaddan Eng. C/qaadir C/llaahi Caraaye.

Gudoomiyaha Jaamacada Benaadir Dr. Maxamed Max’uud Biday oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadan ayaa sheegay in dedaal badan ka dib ay ku guuleysatay Jaamacadu hirgelinta sheybaarkan oo uu sheegey inuu muhiimad gaar ah u leeyahay ardayda kuliyadda handasada & teknolojiyada wax ka barata, isagoo dhinaca kale ugu baaqay shirkadaha dhismaha ee dalka iney ka faa'ideystaan ayna gacmo furan ku soo dhoweynayeaan, maadaama uu howlahooda muhiim ah u yahay.

Dhinaca kale xarunta Jaamacadda ayaa waxaa booqday boqolaal ardey ah oo ka baxday Dugsiyada sare ee dalka kuwaa oo u kuurgalayay sida ay u shaqeyso Jaamacadda.

Gudoomiyaha Jimciyada iskuulada ee Maka Al-Mukarama C/qaadir Maxamed Xasan oo hadal ka jeediyey munaasabada ayaa sheegay in jimciyadu ay xiriir joogto ah la leeyahay Jaamacada Benaadir ayna hadda wax ka bartaan Jaamacada arday fara badan oo horey uga baxay iskuulada jimciyada hoos yimaada, wuxuuna ka mahad celiyey sida isaga iyo ardaydiisa loogu soo dhoweeyey Jaamacadda.

C/qaadir Maxamed Xasan ayaa intaa ku daray in maadaama Jaamacadda Benaadir ay ka mid tahay Jaamacadaha ugu tayada fiican dalka inay u dooreen ardaydan dhameysatay dugsiga sare, si ay mustaqbal fiican oo la isku haleyn karo u yeeshaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]