3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2019
Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada hadlay kobcinta wax soo saarka dalka

 

Isniin, Maarso, 18, 2017 (HOL)- Wasiirka Beeraha iyo waraabka Xukuumadda Soomaaliya  Saciid Xuseen Ciid oo howlo shaqo u tagay Magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa halkaasi waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa Wasiirka dowladaha Hoose deeganka iyo beeraha ee dalka Qatar Cabdullahi bin Abdulaziz bin Turki.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay Dhowr qodob oo ay ka mid ahaayeen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, badbaadada iyo horumarinta Cuntada, dar dargelinta heshiisyadii dhexmaray labada doowladood iyo sidii dalka Qatar loogu Dhoofin laha qaar kamida dalagyada kasoo baxa dalkeena Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray Wasiirka Beeraha iyo waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid iyo dhigiisa dalka Qatar ayaa kusoo dhamaaday is afgarad , iyadoo Wasiir Ciid iyo wafdiga lasocdana ay k qaybgali doona bandhiga Beeraha caalmiga ah ee todobaad oo lagu qaban doono magaalada Doha ee Dalka Qatar kaas oo ay ka qeyb geli doonaan in kabadan 51 dal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
3/18/2019 3:30 PM EST
Isniin, Maarso, 18, 2017 (HOL)- Waxaa dib loo dhigay Tirakoobkii dadka iyo guryaha oo lafilayay inuu qabsoomo bisha soo socota ee April.

3/18/2019 10:16 AM EST
Isniin, Maarso,18,2017(HOL)-Isbitaalka weyn ee magaalada Jowhar ayaa saacadihii ugu danbeeyay ee maanta la gaarsiiyay dad badan oo ku soo dhaawacmay dagaalladii cuslaa ee ka dhacay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

3/18/2019 9:59 AM EST
Isniin, Maarso, 18, 2017 (HOL)- Ugu 10 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dagaal culus oo xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Xeraale ee gobolka Galguduud, tiro intaa ka badanna ku dhaawacmeen.

3/18/2019 8:38 AM EST
Isniin, Maarso, 18, 2017 (HOL)- Nin hubeysan ayaa rasaas oodda kaga qaaday bas nooca korontada ku shaqeeya oo ay dad saarnaayeen oo marayey xaafad ka mid ah magaalada Utrecht ee dalka Neteherland.

3/18/2019 8:34 AM EST
Isniin, Maarso, 18, 2017 (HOL)- Wefti uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cismaan Saalax Maxamed ayaa maanta soo gaadhay magaaladda Hargeysa, waxaanu kulamo la leeyahay madaxweynaha Somaliland oo kulan ay albaabadu u xidhan yihiin ku yeesheen qasriga madaxtooyaddda.

3/18/2019 3:50 AM EST
Isniin, Maarso, 18, 2019 (HOL)-Ciidamada booliiska dalka New Zealand ayaa howlgalo baaritaano ah ka fuliyay labo guri uu degnaan jiray cunsurigii muslimiinta badan Jimcihii ku laayay masaajidyo kuyaala magaalada Chrischurch.

3/18/2019 2:36 AM EST
Isniin, Maarso, 18, 2019 (HOL)-Warar ka imanaya degmada Xeraale ee gobolka Galguduud ayaa sheegaay in xalay saqdii dhexe uu halkaa ka dhacay dagaal culus oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

3/18/2019 1:06 AM EST
Isniin, Maarso, 18, 2019 (HOL)-Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Ahmed ayaa booqasho ku tagay markii ugu horeysay xerada barakacayaasha Gedeo ee deegaanka Shucuubta Koonfureed ka tirsan.

3/18/2019 12:33 AM EST
Isniin, Maarso, 18, 2019 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaallada degmada Cadalle ee u dhaxeeya labada maleeshiyo beelleed.

3/18/2019 12:22 AM EST
Isniin, Maarso, 18, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xoogagga Ururka Al-shabaab dib ula wareegeen deegaanno ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka cabanaya mishaar la’aan.