4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2019
Wefti uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Dibada Eritrea oo la kulmay madaxweyne Biixi

 

Isniin, Maarso, 18, 2017 (HOL)- Wefti uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cismaan Saalax Maxamed ayaa maanta soo gaadhay magaaladda Hargeysa, waxaanu kulamo la leeyahay madaxweynaha Somaliland oo kulan ay albaabadu u xidhan yihiin ku yeesheen qasriga madaxtooyaddda.

Kulankaasi ka dib waxa warbaahinta la hadlay wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea Cismaan Saalax iyo wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Yaasiin Farotoon, kuwaas oo sheegay inay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labadda dal.

Wasiirka arrimaha Dibada Somaliland Yaasiin Farotoon ayaa sheegay inay weftigani u yimaadaan sidii xidhiidhka geeska afrika u xoojin lahaayeen.

“waxaan ku soo dhoweynayaa wadanka wefti heer sare ah oo uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea iyo la taliyaha madaxweynaha Eritrea, waxaanay u yimaadeen inay iskaashiga iyo xidhiidhka dalalka geeska Afrika xoojiyaan, gaar ahaan xidhiidhka Somaliland iyo Eritrea, anaguna waanu soo dhoweynaya waxaanay la kulmeen madaxweynaha Somaliland”ayuu yidhi Yaasiin Farotoon oo ka hadlayey booqashadan weftigan.

Sidoo kale, wasiirka Arimaha dibadda Eritrea Cismaan Saalax ayaa sheegay in weftigan uu soo diray madaxweynaha Eritea Isayaas Afwerki, waxaanu xusay in labaatan sanno ka maqnaayeen geeska Afrika, haseyeeshee imika ay doonayaan inay xidhiidh la sameeyeen.

Sidoo kale,waxa uu tilmaamay inuu doonayo inay ogaadaan waxa ka socda Somaliland iyo sidii xidhiidh u wada yeelan lahaayeen, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “imika nabad buu noqday xidhiidhka ka dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya, waxaana hadda bilownay inaanu xidhiidh la samayno dalalka geeska Afrika, waxaana Somaliland u nimid sidii aanu u ogaan lahayn waxa ka socda iyo xaaladda ay ka jirta Somaliland, waxaan la kulmay madaxweynaha, waxaanu nooga waramay siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha Somaliland, taas oo ahayd mid xiiso leh oo muhiim ah.”

Wasiir Cismaan Salaax waxa u sheegay inuu warbixinta uu Somaliland ku arkay u gudbin doonno madaxweynihiisa, isla markaana aanu safarkoodu noqon doonin kii u dambeeyey ee ay soo noqon doonaan.

Waa markii ugu horeysay ee wefti ka socda Eritrea uu Somaliland yimaado, isla markaana waa markii ugu horeysay ee wefti heerkan oo kale ahi yimaado Hargeysa oo ka socda dalalka bariga Afrika.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.