3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 17, 2019
Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadashay ciidamo sheegay in muddo Afar bilood ah wax mishaar qaadan

 

Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)-Wasaarradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ka hadashay Cabashada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ah in aysan qaadan Mushaar Muddo Afar Bilood ah, islamarkaana ay iskaga baxeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Wasaaradaha Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya iyo taliska xoogga Dalka Soomaaliyeed  ayaa waxa ay sheegeen in ay ku howlan yihiin  diiwaan-gelinta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed si loo loo tayeeyo  howlaha ciidanka loona hubiyo xuquuqda ciidamada.

Askari walba oo diiwaan-gelintiisa la xaqiijiyay waxa uu qaataa mushaarkiisa oo si toos ah loogu shubo koontadiisa bangiga sidda uu sheegay taliska.

Sidoo kale waxaa loo billaabay in 30 doolar oo kamid ah qoondada raashinka askarta si toos ah loogu shubo koontada uu askarigu bangigiisa ku leeyahay marka la xaqiijiyo diiwaan-gelintiisa.

“Ciddii la diiwaangeliyay ee aan weli helin xaquuqdooda billaha ah waxaa ku socda xaqiijin rasmi ah,sidoo kale waxaa wali socda diiwaan-gelinta ciidanka,waxaana ciidamada la diiwaan-geliyay lagu amray in uu ku sugnaadaadaan goobtooda shaqada” ayaa lagu yiri Warka taliska.

Inta ay socoto diiwaan-gelintu waxaa laga codsan doonaa ciidamada qaarkood in ay yimaadaan goobo ku dhow goobtooda shaqo, sida kuwa dhanaane oo lagu diiwaan-gelin doono Jazeera, kadibna ay dib ugu laaban doonaan goobtooda shaqo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 

 

 

 













Click here
3/17/2019 10:42 AM EST
Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti,Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gabagabeeyay booqashadii labada maalmood ahayd ee uu ku yimid magaalada Muqdisho kaddib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

3/17/2019 9:19 AM EST
Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti oo maalintii labaad ku sugan magaalada Muqdisho ayaa khudbad u jeediyay xildhibaannada Labada Aqal ee Soomaaliya kaddib kulan ka dhacay xarunta Dugsiga Tababarka Jen Kaahiye.

3/17/2019 6:52 AM EST
Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ayaa maanta wadajir xariga uga jaray dhismaha Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya.

3/17/2019 4:44 AM EST
Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in uu halkaa ka soconaya dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed.

3/17/2019 3:24 AM EST
Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa baco ay ka buuxaan ciid laga soo qaaday halkii ay ku burburtay diyaaraddii Boeing 737 Max siiyay qaraabada 157-dii qof ee ku dhintay shilkaasi.

3/17/2019 1:33 AM EST
Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in uu maanta Khudbad u jeediyo Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo goor dhaw kulan aan caadi aheyn ku yeelanaya magaalada Muqdisho.

3/17/2019 1:16 AM EST
Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Magaalada Muqdisho ayaan maalintii labaad la ogoleyn dhaqdhaqaaqa guud ahaanba gaadiidka dadweynaha marka laga soo tago gaadiidka dagaalka ciidamada iyo kuwa mas’uuliyiinta dowladda.

3/17/2019 12:49 AM EST
Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in howlgal ay sameeyeen ciidmaada dowladda Soomaaliya lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Garguduud oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

3/17/2019 12:46 AM EST
Axad, Maarso, 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti oo maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad casho sharaf ah oo loogu sameeyay madaxtooyada Soomaaliya.