3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2019
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo daah furtay wajigii 4aad adeega (4G)

 

Sabti, Maarso, 16, 2019 (HOL) – Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom waxa ay daah-furtay maanta adeegga Internetka 4G (Faca Afaraad - Fourth Generation) kaas oo aad uga waxtar iyo faa’iido badan 3G & 2G oo ay Hormuud horay u soo bandhigtay, adeeggan Internet-ka 4G waxa uu kuu sahlayaa in aad ku xiranto Kumbuyuutaradaaga gacanta adiga oo Isticmaalaya Data-da Mobaylkaaga, haddii loo baahdana waxaa kula wadaagi kara Saaxiibadaada shaqada iyo guriga.

Shirkadda ayaa u adeegsatay horumarinta 4G hannaanka Mobile broadband oo ah fududeeya in qalabka guurguura sida Kumbuyuutarada gacanta iyo Mobile-lada caaqilka ah (Smart Phone) lagu xiro internetka wireless ama xarigga lahayn, waxaa kale oo lagu xiri karaa 4G qalabka madaxyada USB-ga qaata.

Waxa dheeri ku ah oo la socda adeegga Internetka 4G (Faca Afaraad-Fourth Generation) adeegga kale ee LTE (Long Term Evolution) oo ah adeeg heer sare ah kaas oo kordhiya awoodda xiriirka (Network Capacity) islamarkaana badiya xawaaraha Mobaylka ee Internet-ka, taas oo u fududeyneysa in adeegsadayaashu (Users) ay si sahlan iyo waqti yar ku dhammeystaan wixii howl ah ee ay uga baahan yihiin adeegga Internetka 4G ee Hormuud Telecom

Ujeeddada Hormuud Telecom ka leedahay Internetka 4G

Shirkado badan oo isgaarsiineed ayaa dalka ka bixiya adeegga Internet-ka Mobaylka balse Hormuud waxaa ay daah-furka 4G uga dan leedahay buuxinta baahida Internetka ee macaamiisheeda, baahidaas ayaa aad u badatay kaddib adeegyada 2G & 3G oo dalabka adeeggan ee rukunka awgiis laga sii gudbayo, sidaas daraadeed waxa ay Hormuud Telecom keentay Mobile broadband waxa ayna markan daahfureysaa adeegga 4G+ LTE (Long Term Evolution)

Ineternet-ku Mobile-ku si guud waxa uu maanta kumilmay nolosha iyo shaqooyinka, waxaana jira howlo aan maanta suurtagal ahayn in ay qabsoomaan la’aantiis, howlahaas qaarkood waxa ay xiriir adag la leeyihiin nolosha iyo horumarinteeda, iyada oo haddaba halkaas laga shidaal qaadanayo Hormuud Telecom oo horumarin iyo kobcin kuwadda fududeynta adeegga Internet Mobaylka waxa ay ugu talagashay Macaamiisheeda in ay helaan adeeg Internet oo ah 4G+ LTE kaas kaqaybqaadanaya horumarinta Waxbarashada, Cilmibaarista, Ganacsiga, Isgaarsiinta iyo wacyiga dadweynaha guud.

Waddamada ugu horreeya Adeegga Internetka Mobaylka 4G

South Korea - 95.71%

Japan - 92.03%

Lithuania - 84.73%

Hong Kong - 84.52%

Netherlands - 84.1%

Singapore - 82.61%

Norway - 82.42%

Kuwait - 81.77%

Sweden - 81.37%

United States - 81.3%

Qatar - 81.29%

Hungary - 79.77%

Australia - 79.34%

Taiwan - 78.05%

Finland - 76.36%

UAE - 75.92%

Canada - 75.42%

Estonia - 75.11%

China - 73.83%

Bahrain - 73.82%

(Source: OpenSignal)

Hormuud Telecom oo tixgelineysa baahida ay macaamiisheedu u qabaan adeegga Internet-ka Mobile-ka waxa aay dhammaan Macaamiisheeda u soo bandhigeysaa 4G+ LTE oo markii ugu horreysay lagu adeegsanayo kuna shaqeynaya dhammaan Dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/16/2019 2:08 PM EST
Sabti, Maarso, 16, 2019 (HOL)-Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa maanta warbaahinta u sheegay sanadkan doorasho ka dhici doonin Galmudug, hasse ahaatee doorashada la qaban doono sida uu hadalka u dhigay saddex sano kaddib.

3/16/2019 9:39 AM EST
Sabti, Maarso, 16, 2019 (HOL) – Odayaal dhaqameed iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in aan la siin saamigii ay ku lahaayeen isbadalka maamul ee ka dhaqan galay dowlad deegaanka Soomaalida.

3/16/2019 8:32 AM EST
Sabti, Maarso, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya.

3/16/2019 8:32 AM EST
Sabti, Maarso, 16, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya.

3/16/2019 4:48 AM EST
Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhow soo gaaray caasimadda Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho uu ku soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

3/16/2019 4:31 AM EST
Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Ciyaaryahannada xulka qaranka cayaaraha fudud ayaa guul taariikhi ah usoo hoyiyay Soomaaliya,iyagoo ku guuleystay biladdo dahah ah tartanka cayaaraha fudud ee ka socda dalka Jabuuti.

3/16/2019 4:06 AM EST
Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Wafdi ka socda xukuumadda cusub ee Puntland ayaa booqashadii ugu horreysay ku gaaray degmada Galdogob iyo deegaannada ku dhow,iyagoo u koorgalaya xaaladda deegaannada.

3/16/2019 3:52 AM EST
Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Dowladda New Zealand ayaa maxkamad soo taagtay ninka fuliyay toogashadii ka dhacday magaalada Christchurch oo ay ku geeryoodeen 49 qof oo muslimiin ah,kaddib labo weerarar oo jimcihii ka dhacay labo masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch.

3/16/2019 3:34 AM EST
Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Howlgal si wadajir ah ay u fuliyeen ciidanka dowladda Soomaaliya ee Danad iyo ciidan Marekan ah ayaa la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 22 dagaallame oo ka tirsan al-Shabaab, sida laga soo xigtay saraakiisha.

3/16/2019 3:16 AM EST
Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa weerarradii ka dhacay labo masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ku tilmaamtay fal argagixiso oo naxdin leh,iyadoo warsxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya loogu baaqay New Zealand inay sameyso baaritaanno la xiriira weerarrada.

3/16/2019 3:04 AM EST
Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa inuu gaaro caasimadda Muqdisho,sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.