3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2019
Madaxweynaha dalka Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho


Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti ,Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Geelle oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ay uga billaabatay dalka ayaa waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar iyo wafdigiisa oo si heersare ah loo soo dhaweeyay ayaa waxay isaga iyo Madaxweyne Farmaajo  salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan Kooxda Baambayda ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana isla goobta loogu garaacay astaanta Qaranka ee labada dal.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya halkaas oo ay maanta iyo berri wadahadallo labo geesood ah kula yeelan doonaan madaxda Qaranka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
3/16/2019 2:08 PM EST
Sabti, Maarso, 16, 2019 (HOL)-Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa maanta warbaahinta u sheegay sanadkan doorasho ka dhici doonin Galmudug, hasse ahaatee doorashada la qaban doono sida uu hadalka u dhigay saddex sano kaddib.

3/16/2019 10:55 AM EST
Sabti, Maarso, 16, 2019 (HOL) – Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom waxa ay daah-furtay maanta adeegga Internetka 4G (Faca Afaraad - Fourth Generation) kaas oo aad uga waxtar iyo faa’iido badan 3G & 2G oo ay Hormuud horay u soo bandhigtay, adeeggan Internet-ka 4G waxa uu kuu sahlayaa in aad ku xiranto Kumbuyuutaradaaga gacanta adiga oo Isticmaalaya Data-da Mobaylkaaga, haddii loo baahdana waxaa kula wadaagi kara Saaxiibadaada shaqada iyo guriga.

3/16/2019 9:39 AM EST
Sabti, Maarso, 16, 2019 (HOL) – Odayaal dhaqameed iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Shabeelle ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in aan la siin saamigii ay ku lahaayeen isbadalka maamul ee ka dhaqan galay dowlad deegaanka Soomaalida.

3/16/2019 8:32 AM EST
Sabti, Maarso, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya.

3/16/2019 8:32 AM EST
Sabti, Maarso, 16, 2019 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya.

3/16/2019 4:31 AM EST
Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Ciyaaryahannada xulka qaranka cayaaraha fudud ayaa guul taariikhi ah usoo hoyiyay Soomaaliya,iyagoo ku guuleystay biladdo dahah ah tartanka cayaaraha fudud ee ka socda dalka Jabuuti.

3/16/2019 4:06 AM EST
Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Wafdi ka socda xukuumadda cusub ee Puntland ayaa booqashadii ugu horreysay ku gaaray degmada Galdogob iyo deegaannada ku dhow,iyagoo u koorgalaya xaaladda deegaannada.

3/16/2019 3:52 AM EST
Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Dowladda New Zealand ayaa maxkamad soo taagtay ninka fuliyay toogashadii ka dhacday magaalada Christchurch oo ay ku geeryoodeen 49 qof oo muslimiin ah,kaddib labo weerarar oo jimcihii ka dhacay labo masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch.

3/16/2019 3:34 AM EST
Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Howlgal si wadajir ah ay u fuliyeen ciidanka dowladda Soomaaliya ee Danad iyo ciidan Marekan ah ayaa la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 22 dagaallame oo ka tirsan al-Shabaab, sida laga soo xigtay saraakiisha.

3/16/2019 3:16 AM EST
Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa weerarradii ka dhacay labo masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ku tilmaamtay fal argagixiso oo naxdin leh,iyadoo warsxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya loogu baaqay New Zealand inay sameyso baaritaanno la xiriira weerarrada.

3/16/2019 3:04 AM EST
Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa inuu gaaro caasimadda Muqdisho,sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.