4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 16, 2019
Ninkii fuliyay toogashadii ka dhacday New Zealand oo maxkamad la soo taagay

Sabti , Maarso, 16, 2019 (HOL)- Dowladda New Zealand  ayaa maxkamad soo taagtay ninka fuliyay  toogashadii ka dhacday magaalada Christchurch oo ay ku geeryoodeen 49 qof oo muslimiin ah,kaddib labo weerarar oo jimcihii ka dhacay labo masjid oo ku yaalla magaalada Christchurch.

Ninka weerarrada ku eedeysay oo lagu magacaabo Brenton Tarrant, waa 28 jir u dhashay dalka Australia , waxaana uu ka soo muuqday shabaqa eedaysaneyaasha asagoo xiran dharka cad cad ee maxaabiista oo jeebaysan,waxaana loo haystaa hal dacwad oo ah dil.

Tarrant, ayaa la arkayay isagoo madaxa ruxaya xilligii uu xaakimku akhrinayay dambiyada loo haysto oo ah dil, isagoo la amray in xabsiga lagu sii hayo illaa April 5 markaas oo maxkamada sare ay dhagaysan doonto dacwadiisa.

Xaakimka Maxkamada Paul Kellar ayaa u oggolaaday weriyaasha inay sawiro ka qaadaan eedeysanaha balse aan la muujin wajigiisa.

Brenton Tarrant ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa ninkii shalay salaadii Jimce rasaasta ku furay muslimiin ku tukanaysay labo masaajid oo ku yaal dalka New Zealand,waxaana ku dhintey 49 ruux halka 40 kalana waa ay ku dhaawacmeen weerarkan.

Labo qof oo kale ayaa xabsiga la dhigay. Mana jiro qof kamid ah dadkaas xiran oo horay dambiyo u galay.

Qofkii ugu horreeyey ee waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii dhacay Jamcihii ayaa qoyskiisu sheegeen in lagu magacaabi jiray Daoud Nabi, oo ahaa 71 jir u soo guuray New Zealand kana yimid Afghanistan sanadkii 1980-kii.Wali lama sheegin wax la xiriira aqoonsiyada dadkii kale ee waxyeelladu soo gaartay.

Dadka la dhaawacay waxaa ku jira labo wiil oo yar yar oo 13 jirro ah, kow iyo toban kamid ah dad la dhaawacay ayaa lagu dawaynayaa Isbitaalka Christchurch, xaaladooduna aad ayay u liidataa sida uu sheegay madaxa qalliinka ee cisbitaalkaas, Greg Robertson.

Ammaanka guud ee magaalada Christchurch ayaa la adkeeyey. Waxaana la xiray dhammaan masaajidda kuyaal New Zealand,iyadoo hoos loo dhigay dhismeyaasha dawladda ee ku yaalla magaalada uu weerarka ka dhacay, sida laga soo xigtay haweenayda guddoomiyaha ka ah magaalada Christchurch,Lianne Dalziel.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]