4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2019
Weerarkii Masjidka New Zealand oo lagu dilay 49 ruux iyo cambaareyn caalami ah loo jeediyay

 

Jimco, Maarso, 15, 2019 (HOL)- Wararkii ugu dnabeeyay ee ka soo baxaya weerar lagu qaaday Masaajido ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa sheegaya in ay ku dhinteen dad ka badan 49 ruux.

Taliyaha booliiska dalka New Zealand ayaa qabtay shir jara'id oo uu dadka kula wadaagayo wararkii ugu dambeeyay ee weerarka lagu qaaday dadka cibaadaysanaya.

Mid ka mid ah dadkii dhaawaca ahaa ee la dabiibayay ayay hadda naftu ka baxday ayuu yiri isaga oo shirka jaraa'id sii wada.

Camaareyn Caalami ah :

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa tacsi u diray dalka New Zealand, isaga oo magaciisa iyo midka dalkiisa ku hadlaya, wuxuuna cambaareeyay ciddii Muslimiinta masaajidka ku laysay.

Toogashada ayuu ku tilmaamay in ay tahay “wax aad loo dhaleeceeyo” wuxuuna intaas ku daray in ay tahay tallaabadii u dambaysay ee cusnsuriyadda iyo Islaam nacaybka sii kordhaya.

Malaysia ayaa sheegtay in labo muwaadin ay kaga dhaawac meen weerarka. Wasaaradda arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in ay cambaaraynayso “weerarkan macno la’aanta ah ee argagixisadu ku qaaday dadka aan waxba galabsan ee shacabka ah, ayna rajaynayso in sharciga la hor keeno dadkii falkaas foosha xun ka dambeeyay”.

 

Ra’iisul wasaaraha dalka Fiji Frank Bainimarama ayaa yiri "Qalbiga ayaa jaban dadka reer Fiji, waxaana la murugoonaynaa dadka aan walaalaha nahay ee reer New Zealand". Waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dadka dhintay uu ka mid yahay hal ruux oo u dhashay Fiji ama laga yaabo in ay intaas ka sii bataan.

Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa sheegay in dadkiisu ay “garab taagan yihiin dhammaan dadka reer New Zealand ee ku jira wakhtigan madaw ee nacaybka iyo rabshadahu ay ka xadeen nabadda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Indonesia Retno Marsudi ayaa sheegtay in ay “aad u cambaaraynayso weerarka, iyadoo ay dadku ku jiraan masaajid ay ku tukanayeen.

Ra’iisul wasaaraha UK Thirisa May ayaa cambaaraysay “weerarkan xannuunka badan” waxayna dirtay tacsi.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu foosha xumaa oo lagu qaado Masjid gudaha dalka New Zealand, dadka dhintay ayaa isku diyaarinayay Salaada Jicmaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]