3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2019
Axmed Madoobe : Waxaan Garaawsaday in madaxweyne Farmaajo aan fadhiggiisa ugu tago

 

Jicmo, Maarso, 15, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo markii ugu horeysay ka hadlay halkii uu ku danbeeyay khilaafkii kala dhaxeeya dowladda dhexe, ayaa sheegay in si guud looga heshiiyay khilaafka, islamarkaana waxa yar ee dhiman la dhameystirayo.

Wuxuu sheegay in safarka ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ee Kismaayo uu daba –joogay baaqii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in leys wada cafiyo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobolleedyada, sidaa daraadeed inta badan wixii khilaaf ahaa ama madmadow ahaa ee jira laga heshiiyay.

‘’Ra’iisal wasaaraha kulamadii aan qaadanay waan isla garanay qodob kasta oo ay tabasho ka jirtay, waanan ka heshiinay, waxa kaliya ee noo dhiman waa in aan madaxweynaha (Farmaajo) fadhiggiisa ugu tagno, gaar ahaan aan Anniga Axmed Madoobe ah u tago sidaana lagu dhameeyo wixii ka harsan madmadowgii horay u jiray waayo in uu isaga yimaado halkan Kismaayo, waxaa ka wanaagsan in aan fadhiggiisa ugu tago’’ ayuu yiri madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland.

Safarkii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali kheyre uu ku tagay maagalada Kismaayo ayaa waxaa dhaliil xoog leh u jeediyay siyaasiyiin ay ka mid yihiin musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Jubbaland kuwaa oo sheegay in safarkiisa loo isticmaalay olole doorasho, sidaa daraadeed looga fadhiyo ra’iisal wasaraha in uu cadeeyo mowqifkiisa la xiriira doorashada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dadaal dheer ugu jira sidii uu mar kale u noqon lahaa madaxweynaha maamulka, madaama loo balansan yahay bisha Augusto ee sanadkan in ay dhacdo doorasho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 
 

 













Click here
3/15/2019 12:37 PM EST
Jimco, Maarso, 14, 2019 (HOL) – Dhalinyarada ku dhaqan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa hada u muuqda kuwo isku abaabulaya in ay ka qeyb-qaataan nidaamka Xisbiyada ee la doonayo in looga guuro wax ku qeybsiga Qabiilka muddo dheer dalka lagu soo maamulayay.

3/15/2019 8:35 AM EST
Jimco, Maarso, 15, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday mashaaric waa weyn oo lagu dhisayo waddooyin isku xira gobollada dalka, sida laga sheegay shirka dhismaha waddooyinka isku xira gobollada dalka oo muddo saddex maalmood ah kasocday Muqdisho oo uu maanta soo xiray Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya, Cabdi Aadan Hoosow.

3/15/2019 8:28 AM EST
Jimco, Maarso, 15, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku biiray Madaxda Caalamka ee cambaareysay weerarkii argagaxiso ee Maanta oo Jimce ah lagu qaaday Masaajidyo ay ku cibaadeysanayeen dad Muslimiin ah dalka New Zealand.

3/15/2019 8:16 AM EST
Jimco, Maarso, 15, 2019 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho,kaddib booqasho uu horraantii toddobaadkan ku tagay magaalada Kismaayo.

3/15/2019 7:27 AM EST
Jimco, Maarso, 15, 2019 (HOL)- Weerar argagixiso oo lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand, kuwaas oo lagu dilay ugu yaraan 49 qof, ayaa argagax, carro iyo lama filaan ka abuuray dunidda.

3/15/2019 7:02 AM EST
Jimco, Maarso, 15, 2019 (HOL)- Wararkii ugu dnabeeyay ee ka soo baxaya weerar lagu qaaday Masaajido ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa sheegaya in ay ku dhinteen dad ka badan 49 ruux.

3/15/2019 6:09 AM EST
Jimco, Maarso, 15, 2019 (HOL)- Wiil yar oo Arday ah ayaa maydkiisa shan cishaba yaalla cisbitaalka guud ee Hargeysa.

3/15/2019 5:03 AM EST
Jicmo, Maarso, 15, 2019 (HOL) –Mudane Xasan Cali Khayre, Raysul wasaaraha Jamhuuiyradda federaalka Soomaaliya oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa xalay xaflad sagootin ah loogu sameeyay magaalada..

3/15/2019 12:30 AM EST
Jicmo, Maarso, 15, 2019 (HOL) –Saddex ruux oo Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen weerar qof hubeysan uu ku qaada Masjid lagu magacaabo Al-Nur oo ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.