3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2019
Saddex ruux oo Soomaali ah oo lagu dilay weerar goor dhaw lagu qaaday Masjid ku yaala New Zealand

 

Jicmo, Maarso, 15, 2019 (HOL) –Saddex ruux oo Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen weerar qof hubeysan uu ku qaada Masjid lagu magacaabo Al-Nur oo ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Hiiraan Online oo si dhaw ula soctay dhacdadan ayaa heshay magacyada qaar ka mid ah dadka Soomaalida ah ee ku geeriyooday weerarka Masjidka lagu qaaday waxaana ka mid ah : Sheekh Muuse Nuur Cawaale oo la sheegay in uu ahaa Macalin Dugsi, Sheekh Cabduqaadir oo ka tirsanaan jiray shaqaalihii Wakaalladii Biyaha ee Soomaaliya iyo waliba Cabdullaahi Aadan Diiriye oo ah wiil Lix sano jir ah, sidoo kale waxaa weerarka ku dhaawacmay Aabihii Aadan Diiriye.

Jameecada Masjidka ayaa xiliga uu weerarku dhacayay waxaa ay u fadhiyeen Salaada Jimcaha, waxaana ay mar kaliya maqleen dhawaqa rasaasta uu adeegsanayay shaqsiga weerarka geystay.

Booliiska kuma uusan guuleysan uu qabto qofka weerarka ku qaaday Masjidka oo la sheegay in uu siweyn uga soo horjeedo soo galootiga.

Saxafi la socda kooxda kubbadda kiriketka ee dalka Bangladesh oo hadda ku sugan New Zealand ayaa twitterka ku soo qoray in uu ka baxsaday masaajid ku yaalla agagaarka Hagley Park halkaas oo rasaas ka dhacayso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 

 













Click here
3/15/2019 12:37 PM EST
Jimco, Maarso, 14, 2019 (HOL) – Dhalinyarada ku dhaqan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa hada u muuqda kuwo isku abaabulaya in ay ka qeyb-qaataan nidaamka Xisbiyada ee la doonayo in looga guuro wax ku qeybsiga Qabiilka muddo dheer dalka lagu soo maamulayay.

3/15/2019 8:35 AM EST
Jimco, Maarso, 15, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday mashaaric waa weyn oo lagu dhisayo waddooyin isku xira gobollada dalka, sida laga sheegay shirka dhismaha waddooyinka isku xira gobollada dalka oo muddo saddex maalmood ah kasocday Muqdisho oo uu maanta soo xiray Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya, Cabdi Aadan Hoosow.

3/15/2019 8:28 AM EST
Jimco, Maarso, 15, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku biiray Madaxda Caalamka ee cambaareysay weerarkii argagaxiso ee Maanta oo Jimce ah lagu qaaday Masaajidyo ay ku cibaadeysanayeen dad Muslimiin ah dalka New Zealand.

3/15/2019 8:16 AM EST
Jimco, Maarso, 15, 2019 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho,kaddib booqasho uu horraantii toddobaadkan ku tagay magaalada Kismaayo.

3/15/2019 7:27 AM EST
Jimco, Maarso, 15, 2019 (HOL)- Weerar argagixiso oo lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand, kuwaas oo lagu dilay ugu yaraan 49 qof, ayaa argagax, carro iyo lama filaan ka abuuray dunidda.

3/15/2019 7:02 AM EST
Jimco, Maarso, 15, 2019 (HOL)- Wararkii ugu dnabeeyay ee ka soo baxaya weerar lagu qaaday Masaajido ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa sheegaya in ay ku dhinteen dad ka badan 49 ruux.

3/15/2019 6:09 AM EST
Jimco, Maarso, 15, 2019 (HOL)- Wiil yar oo Arday ah ayaa maydkiisa shan cishaba yaalla cisbitaalka guud ee Hargeysa.

3/15/2019 5:03 AM EST
Jicmo, Maarso, 15, 2019 (HOL) –Mudane Xasan Cali Khayre, Raysul wasaaraha Jamhuuiyradda federaalka Soomaaliya oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa xalay xaflad sagootin ah loogu sameeyay magaalada..

3/15/2019 1:12 AM EST
Jicmo, Maarso, 15, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo markii ugu horeysay ka hadlay halkii uu ku danbeeyay khilaafkii kala dhaxeeya dowladda dhexe, ayaa sheegay in si guud looga heshiiyay khilaafka, islamarkaana waxa yar ee dhiman la dhameystirayo.