4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2019
Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya Oo Looga Hadlay Xoreynta Deegannada Al-Shabaab ay ku suganyihiin

Khamiis, Luulyo, 18, 2019 (HOL) -  Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulanka toddobaadlaha ah ee golaha.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed  ayaa guddoomiyay kulanka oo looga doodday Xeeraka marista waddooyinka iyo siyaasadda daryeelka bulshada.

Shirka Golaha ayaa waxyaabaha kale ee lagu soo qaaday waxaa ka mid ahaa amniga guud iyo xoreynta deegaannada aysan gacanka ku heyn dowladda, waxaana goluhu isla soo qaadday inay muhiimad weyn u leedaahy bulshada dowladda in la gaarsiiyo deegaannada gacanka ugu jira al-Shabaab.

Dowladda ayaa horay ugu dhowaaqday dadaallo ay sheegtay in lagu gaarayo deegaannada gacanka ugu jira al-Shabaab,iyada oo kooxda wali ay maamullan deegaanno badan oo muhiim.

Waxaa sidoo kale uu ku soo aadday hadalka ka soo baxay golaha wasiirrada xilli ay jiraan deegaanno badan oo go'dan ku jira,kuwaaso oo ay adagtahay in la gaarsiiyo adeegyada dowladda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]