Kheyre '' Leyskuma hayo in ay Dhuusa-Mareeb tahay xarunta dowlad gobolleedka Galmudug, laakiin waxaa leysu hayaa malaga..
Khamiis, July, 18, 2019 (HOL)-Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in uusan muran ka jirin in Dhuusa-Mareeb tahay xarunta dowlad gobolleedka Galmudug, laakiin waxa leysku tahay tahay sidii looga shaqeysiin lahaa.
“Waxaa leydiinka baahan yahay maadaama aad idinka tihiin dadka fidinaya gogosha in aad dadka soo dhoweysaan, waxaa la rabaa qof walba oo dhib sheegta inaad guryahooda ugu tagtaan, oo degmadooda aad ugu tagtaan oo aad ugu qancisaan tanaasulna u muujisaan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo hadalkiisa u muuqday mid dareensan caqabadaha soo wajahay dadaalada dib loogu dhisayo Galmudug oo mideysan.
“La iskuma heysto in
Dhuusamareeb ay tahay magaalo madaxda Galmudug, waxaa la isku heystaa
malaga shaqeyn siin karaa, taasaa idinka la idinka rabaa, dad
soomaaliyeed oo walaalihiina mustaqbalkooda uu ku xiran yahay idinka
sida wax u ogolaatiin, idinka sida isugu tanaasushiin”ayuu yiri
Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Hadalka Ra'iisal wasaraha ayaa imanaya xili gadood badan uu ka jiro habka uu ra'iisal wasaaruhu u maamulayo dhismaha Galmudug oo ay qoonsadeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka degmooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo oo sheegay in ra'iisal wasaaruhu ka baxay ballaamo ay horay ula galleen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]