3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 18, 2019
12 qof oo ku geeriyootay Japan

Khamiis, July, 18, 2019 (HOL)-Ugu yaraan 12 qof ayaa geeriyootay ku dhowaad 40 kalana waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay dhisme ballaaran oo ku yaalla magaalada Kyoto ee dalka Japan.

Xarunta uu dabku qabsaday waxaa lagu sheegay inay ahayd goob lagu diyaariyo muuqaallada la hagaajiyo ee kartoonka.

Booliska ayaa warbixin horudhac ah ku sheegay in Nin 41-jir ah  lagu tuhunsan yahay inuu wax dareere ah ku buufiyey dhismaha Istuudiyaha oo ka kooban saddex dabaq, wuxuuna mid noqday ninkaa dadka ku dhaawacmay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
7/18/2019 1:41 PM EST
Khamiis, Luulyo, 18, 2019 (HOL) - Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulanka toddobaadlaha ah ee golaha.

7/18/2019 1:15 PM EST
Khamiis, Luulyo, 18, 2019 (HOL) - Ciidammada amniga ee Puntland ayaa lagu soo warramaya inay maanta magaalada Boosaaso ku xiran saddex qof oo ka tirsanaa guddiga dib u dhiska waddada bartamaha ee magaalada Boosaaso.

7/18/2019 1:00 PM EST
Khamiis, Luulyo, 18, 2019 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaadday in xafiiska adeegga xujayda ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta laga siin doono xujayda Soomaaliyeed fiisaha dal ku galka.

7/18/2019 12:28 PM EST
Khamiis, Luulyo, 18, 2019 (HOL) - Somaliland ayaa ka hadashay guddida wada hadalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya u magacowday Somaliland, waxaanay sheegtay in wada hadalkaasi kaliya qabsoomi karo marka Somalia garwaaqsato in midnimaddii labadda dhinac burburtay 1991-kii.

7/18/2019 12:14 PM EST
Khamiis, July, 18, 2019 (HOL)- Hay'adaha amniga ayaa ku wargeliyay bulshada ku nool caasimadda inay ka firsadaan halka ay dhigayaan gawaarida,iyada oo taliska booliska uu sheegay ciidammada inay la wareegi doonaan gaadiidka goobaha qaldan la dhigto.

7/18/2019 11:57 AM EST
Khamiis, July, 18, 2019 (HOL)- Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa maanta kullan ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Garoowe waxaa ay codka kalsoonida u qaaddeen Hantidhowrka guud ee Puntland Fadhiga waxaa guddoomiyay, Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhoobo Daareed, guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

7/18/2019 11:32 AM EST
Khamiis, July, 18, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya,Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya,Benjamin James Fedner,iyaga oo kullan gaar ah yeeshey.

7/18/2019 11:04 AM EST
Khamiis, July, 18, 2019 (HOL)- Wakiilka xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna madaxa xafiiska UNSOM, James Swan ayaa booqasho ku tagay magaalada Baydhabo , halkaa oo uu kullamo kula qaatay mas'uuliyiinta maamulka Koonfurgalbeed.

7/18/2019 5:59 AM EST
Kahmiis, July, 18, 2019 (HOL)- Wareegto dhawaan ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxam'ed Cabdi Waare ayaa xilkii Wasiirka Wasaarradda Maaliyadda looga qaaday Maxam'ed Maxamuud Cabdulle Maxamed Dheere.

7/18/2019 5:26 AM EST
Khamiis, July, 18, 2019 (HOL)-Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in uusan muran ka jirin in Dhuusa-Mareeb tahay xarunta dowlad gobolleedka Galmudug, laakiin waxa leysku tahay tahay sidii looga shaqeysiin lahaa.

7/18/2019 5:17 AM EST
Khamiis, July, 18, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqadii ka joojiyay guddoomiyaha hay’adda waddooyinka Puntland, isla markaana buriyey dhammaan xubnihii laga shaqaalaysiiyey hay’addaasi laga soo billaabo Jannaayo 2019.

7/18/2019 1:44 AM EST
Khamiis, July, 18, 2019 (HOL)- Koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaa ka soconay howlgal balaaran oo ay wadaan ciidamada Amaanka, kadib markii xalay lagu dilay halkaa mid ka mid ah Ergadii soo xushay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

7/18/2019 12:51 AM EST
Khamiis, July, 18, 2019 (HOL)- Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqday Guddiga Qaban qaabada Shirweynaha Dib u Heshiisiinta Galmudug.