4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 16, 2019
Golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo go'aamo adag ka soo saaray qarixii Kismaayo

Talaado, July, 16, 2019 (HOL) - Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aan horey looga baran uga hadlay qarixii Jimcihii toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Kismaayo.

Kullan ay yeesheen 15ka xubnood ee golaha ammaanka ayaa looga dalbadan dhammaan dalalka caalamka, iyada oo la eegayo xilka ka saaran shuruucda adduunka iyo qaraarada golaha ammaanka inay la shaqeeyaan xukuumadda Soomaaliya iyo hay'adaha kale ee arrinta ku shaqada leh.

Golaha ayaa hadal qoraal ah oo ka soo baxay ku dalbaday in loo baahan yahay in gacanta lagu soo dhigo dadkii qaaday, kuwii abaabulay, kuwii dhaqaalaha ku bixiyey iyo kuwii kafaala qaaday weerarka oo lagu qaaday hoteel ku yaalla Kismaayo.

Kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay inay abaabushay weerarka oo ay ku dhinteen ku dhawaad soddon ruux oo ay ku jireen dad caan ah oo bulshada Soomaaliyeed ay qadariyaan. Balse warka golaha ammaanka ayaa ku soo aaddaya iyada maamulka Jubbaland uu sheegay qof ka imid raggii weerarka qaaday in gacanka lagu hayo, mase jirto warbixin looga hadlay baaritaannada weerarka wixii ka soo baxay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]