4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 16, 2019
Ciiidamada Kenya oo toogasho ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

 

Talaado, July, 16, 2019 (HOL)-Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ku toogteen saddex xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaan, kuwaa oo xiligaa ku howlanaa in ay Aasaan walxaha qarxa.

Saddexda xubnood ee toogashada lagu dilay ayaa la sheegay in ay miino ku aasayeen deegaanka Kayunga oo ku yaala xadka kala qeybiya dalalka Kenya iyo Soomaaliya, waxaana is rasaaseyn dhaxmartay ciidamada iyo ragga toogashada lagu dilay ciidamo Kenyaan ah.

Sidoo kale Booliska Kenya ayaa sheegay inay hayeen xog ku saabsan xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanka Kayunga,sidoo kalena ay weli raad joogaan xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab.

Deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo lala eegto Ciidamada Booliska Kenya, iyadoo qaraxyadaas mas’uuliyadooda sheegta Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]