4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2019
Madaxweyne Waare’’ Waxaan dhiiri-galineynaa dhismaha Galmudug cusub

 

Isniin,July, 15, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta galinkii hore gaaray degmada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in   socdaalkoodu yahay mid qeyb ka ah dhiiri-galinta dadaallada lagu dhisayo Galmudug cusub.

Madaxweyne Waare oo sheegay in labada maamul ee Galmudug iyo Hirshabeelle yihiin kuwo aan kala maarmin, islamarkaana uu ka dhaxeeyo xiriir ganacsi iyo mid Amni intaba

‘’Socdaalkeena waxaa uu la xiriira marka hore in aan dhiiri-galinno qeybna ka noqono dhismaha Galmudug-ta cusub, maxaa yeelay Hirshabeelle kama maaranto Galmudug deggan oo nabadoon min Gaalkacyo ilaa Guri-ceel’’ ayuu yiri madaxweye Waare.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in socdaalkan ay uga faa’ideysan doonaan sidii xal waara loogu heli lahaa dagaallada soo noqnoqday ee ka dhaca xadka labada gobol Hiiraan iyo Galgaduud, iyadoo la kaashanayo ayuu yiri mas’uuliyiinta, odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac.

Waare ayaa ka anbabaxay magaalada Beledweyne oo ku dhawaad Bil uu ku sugnaa kaddib markii la xaliyay khilaafkii ka dhashay xil ka qaadistii guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale la filayaa in uu Dhuusa-mareeb kula kulmo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maalmihii ugu danbeeyayba socdaal ku marayay deegaannada dowlad gobolleedka Galmudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]