3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2019
Ethiopian Airline oo duulimaadkii u horreeyay ku timid Garoowe


Isniin, July,15,2019 (HOL)-Shirkadda duulimaadyada ee Ethiopian Airline ayaa maanta duulimaadkii u horreeyay ka billowday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Munaasabad daahfur ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Jen Abshir ee magaalada Garoowe ayaa lagu soo dhawaayay rakaabkii u horreeyay ee Puntland ay keentay shirkadda Ethiopian Airline.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Dani ayaa ku tilmaamay billowga duulimaadka Ethiopian Airline inuu gacan ka geysanayo isku xirka Puntland iyo dunidda kale, wuxuu sheegay dedaallo ay sameeyeen inay ku suragashay duulimaadyada ay billowday Ethiopian Airline.

Waa duulimaadkii u horreeyay iyo midkii saddexaad ee shirkaddan ka sameynayso Soomaaliya, waxaana lagu wadaa toddobaadkii saddex mar inay timaado Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
7/15/2019 3:39 PM EST
Isniin, July, 15, 2019 (HOL)-Allaha ha u naxariistee waxaa aas qaran loogu sameeyay magaalada Jigjiga labo ganacsade oo walaalo ahaa oo maanta gacan ka xaq daran ku dishay meel u dhaw magaalada Jigjiga oo Malawle lagu magacaabo.

7/15/2019 3:33 PM EST
Isniin, July, 15, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland ,Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka martida ee magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo xubno kale oo kasocday hay'adda Qaramada Midoobay.

7/15/2019 2:05 PM EST
Isniin, July, 15, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug kula kulmay madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare

7/15/2019 1:04 PM EST
Isniin,July, 15, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta galinkii hore gaaray degmada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in socdaalkoodu yahay mid qeyb ka ah dhiiri-galinta dadaallada lagu dhisayo Galmudug cusub.

7/15/2019 11:40 AM EST
Isniin, July,15,2019 (HOL)-Wasiirka waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta xariga ka jaray qeyb ka mid ah Xarunta Akademiyada, Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo dayactir lagu sameynayo, isla markaana ay maalgelinayso Midowga Yurub.

7/15/2019 10:42 AM EST
Isniin, July, 15, 2019 (HOL)-Golaha wasiiradda Somaliland ayaa maanta kalfadhi aan caadi ahayn iskugu yimid sidii ay iskaga difaaci lahaayeen dagaalka siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay ku soo qaaday dawlada SOomaaliya.

7/15/2019 10:18 AM EST
Isniin, July,15,2019 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta si rasmi ah magaalada Garoowe uga furay shir weynaha madasha mustaqbalka shaqo ee dalka oo ay ku miideysanyihiin dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

7/15/2019 9:38 AM EST
Isniin, July,15,2019 (HOL)- SomBank oo ah Bangi si gaar ah loo leeyahay ayaa furay laanta koowaad ee Soomaaliya oo laga furay magaalada Garoowe iyada oo maalmaha soo socdana la furi doono xarunta weyn ee Muqdisho.

7/15/2019 5:25 AM EST
Isniin, July,15,2019 (HOL)-Wasiirka wasaaradda arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga mudane Axmad Ciise Cawad oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka Jamhuuriyadda Ireland ayaa si maqaamkeedu sarreeyo waxaa loogu soo dhaweeyay Dublin-Ireland, isagoo markuu garoonka diyaaradaha ka soo degayba wasiirka iyo wafdigiisaba loo galbiyay xarunta wasaarada arrimaha dibadda Ireland, halkaas oo uu kula kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka (The Tánaiste) ahna wasiirka arimaha dibadda dalka Ireland, Simon Conveney.

7/15/2019 5:13 AM EST
Isniin, July,15,2019 (HOL)-Shirkadda duulimaadka ee Ethiopian Airline ayaa goor dhow la sugaya inay duulimaadkii u horreeyay ku timaado magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

7/15/2019 4:45 AM EST
Isniin, July,15,2019 (HOL)-Dhul gariir halbeegiisu ahaa 5 rektar iskeel ayaa la sheegay fiidnimaddii xalay inuu ku dhuftay deegaan 106 mayl dhanka Waqooyi galbeed kaga toosan degmadda Bereeda oo u dhow degmadda Caluula ee gobalka Bari.

7/15/2019 4:40 AM EST
Isniin, July,15,2019 (HOL)-Ra’iisul wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayaa ka tacsiyeeyay geerida Hodan Naaleeye iyo seygeeda Jaamac Faarid, wuxuu tacsi u diray dhammaan ehelada iyo qoyska.

7/15/2019 4:04 AM EST
Isniin, July,15,2019 (HOL)-Puntland waxaa ka socda qaban qaabo loogu jiro shir weynaha maalgashiga, oo lagu tilmaamay midkii ugu horreeyay ee lagu qabanayo.

7/15/2019 1:32 AM EST
Isniin, July, 15, 2019 (HOL)-Olole lagu baadi goobayo dadka magangalyo doonka ah ee sharci darrada ku jooga gudaha dalkan maraykanka ayaa laga bilaabay gobolada dalkan oo dhan Axaddii shalay.

7/15/2019 1:17 AM EST
Isniin, July,15,2019 (HOL)-Guddaha magaalada Dhuusa-Mareeb saacadihii ugu danbeeyayb waxaa ka soconayay howlgalo Amaanka lagu sugayo kaddib qaraxyadii is xig xigay ee maalintii shalay halkaa ka dhacay.