4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 15, 2019
Ra’iisul wasaaraha Canada oo si dareen leh uga hadlay geerida AUN Hodan Naaleeye

Isniin, July,15,2019 (HOL)-Ra’iisul wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayaa ka tacsiyeeyay geerida Hodan Naaleeye iyo seygeeda Jaamac Faarid, wuxuu tacsi u diray dhammaan ehelada iyo qoyska.

Waxaa kalo uu tacsi u diray qoysaska dhammaan dadkii ku dhintay weerarkii Jimcihii lagu qaadday hoteel ku yaalla magaalada Kismaayo.

Mar uu sawir ka bixinayay Hodon Naaleeye oo dadkii weerarka ku dhintay ka mid ahayd wuxuu sheegay in ka shaqeyn jirtay soo bandhigidda horumarada ka socda Soomaaliya isla markaasna geerideeda si weyn ay uga naxeen dadka reer Canada.

"Hodan Naaleeye waxay ka shaqeyn jirtay tebinta wararka wanaagsan ee ka taabanayo horumuarada dalka, dhiirogelinta da' yarta Soomaalida...Geerida ku timid waxaa si weyn uga naxay dadweynaha Canada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dunidda.” ayuu yiri.

Waxaa uu sidoo kale ra'iisul wasaaraha sheegay in howsha Hodan Naaleeye ay caddeyn u aheyd saxaafadda xorta ah ee difaaceyso isdhexgalka iyo wada noolanshaha.

Gabagabadii, Justin Trudeau waxaa ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan xoojinta amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]