4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2019
Qodobbo laga soo saaray shirka golaha amniga ee Jubbaland


Axad, July, 14, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa guddoomiyay shirka golaha amniga Jubbaland oo ay ka qeybgaleen xubnaha guddiga amniga iyo mas'uuliyiin kale.

Shirka ayaa marka uu soo dhammaaday, waxaa laga soo saaray qodobbo ay ka mid ahaayeen xilligan nabadgalyada Jubbaland inay wanagsantahay, waxaana golaha amniga uu u mahadceliyay dhammaan dadkii usoo tacsiyeeyay dowlad -goboleedka Jubbaland ee xannuunka la qabsaday waxaa kale oo laga hadlay qaabkii loo maarayn lahaa khasaaraha ka dhashay weerarka hadday noqoto burbur hantiyeed iyo dadka dhaawacmay intaba.

Madaxweynaha Jubbaland  ayaa magacaabay guddiga taakulaynta dadka wax ku noqday weerarka,kuwaas oo ka shaqayn doona sidoo loo caawin lahaa dadka dhibaatadu ay gaadhay iyo sidii gacan loogu fidin lahaa milkiilaha hotelka uu weerarka ka dhacay oo ah shaqsi naafo ah oo dhaqaalahiisa u huray dalkiisa.

"Qorshaha amniga doorashada ayaa la isku raacay in Dowlad Goboleedka Jubbaland ay si adag u sugayso amaanka doorashooyinka iyadoo dhamaan Ciidamada amaanka la galiyay heegan buuxa." ayaa lagu yiri war laga soo saaray shirka oo inta ku daray "Waxaa kale oo laga hadlay in la kala saaro Siyaasada iyo amaanka oo nabadgalyada ayna mara Jubbaland gorgortan ka galaynin arimaha siyaasaduna ay leeyahiin wado loo maro balse amaanka cidii wax u dhinta gacan bir ah lagu qaban doono."

Gabagabadii, Golaha amniga dowlad-gobolleedka Jubbaland ayaa soo jeediyay in wacyi galin la siiyo bulshada taaso la xiriirta sidii ay ciidammada amaanka ugu gacan siin lahayeen sugidda ammaanka .

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]