3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2019
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Oo Guddoomiyay Shirka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada

Axad, July, 14, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ,Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir ay yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta horumarinta arrimaha bulshada.

Shirka maanta oo ay ka qeyb galeen wasaarahaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa looga hadlay horumarinta arrimaha bulshada iyo dardar gelinta fulinta qorshayaasha wasaaradaha u degsanaa in ay ku dhammaystiraan sannadkaan 2019.

Wasaaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka XFS ayaa shirka kusoo bandhigtay warbixin la xariirta heerka ay mareyso xaaladda bini’aadninimo ee ka jirta guud ahaan dalka.

Wasaaradaha qaybta ka ah tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa lagu war-geliyay in la billaabayo isla xisaabtanka lagu daba gelayo wixii wasaaradaha uga qabsoomay halbeegyada sannadkaan u qorsheesnaa ee ay ballan qaadeen fulintooda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa dhammaan wasaaradaha ku jira tubta faray in ay dardar geliyaan fulinta qorshayaasha u degsanaa in ay sannadkaan ku qabtaan ee ay la saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha billaawgii sannadkaan 2019.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
7/14/2019 11:16 AM EST
Axad, July, 14, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa guddoomiyay shirka golaha amniga Jubbaland oo ay ka qeybgaleen xubnaha guddiga amniga iyo mas'uuliyiin kale.

7/14/2019 11:02 AM EST
Axad, July, 14, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa koowaad ayaa maanta kullan xog wareysi ah la yeeshay Wasiirka wasaaradda qorsheynta,maalgashiga iyo horumarinta ganacsiga Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan iyo mas’uuliyiin kale.

7/14/2019 10:11 AM EST
Axad, July, 14, 2019 (HOL)- Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaa oo lagu soo dhaweeyay.

7/14/2019 4:46 AM EST
Axad, July, 14, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay degmada DhuusaMareeb kaddib markii qof soo xirtay walxaha qarxa uu isku qarxiyay goob maqaaxi.

7/14/2019 3:04 AM EST
Axad, July, 14, 2019 (HOL)-Marekanka ayaa iskudayaya inuu ku ciqaabo dowladda Turkiga go’aanka ay ku iibsatay gantaallada nidaamka difaaca ee S 400 oo dalka Ruushka lagu farsameeyo, sida uu ku warramay wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa Maraykanka.

7/14/2019 2:57 AM EST
Axad, July, 14, 2019 (HOL)-Hay’addaha amniga ayaa kor u qaaday howlgallada ammaanka lagu xaqiijinayo, kaddib weerar ay dad badan ku dhinteen oo Jimcihii ka dhacay magaalada Kismaayo.

7/14/2019 1:34 AM EST
Axad, July, 14, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa markii ugu horeysay goob fagaaro ah ku soo hadal qaaday su'aal in badan ay is-weydiinayeen bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan taasoo ah sababta keenta isbadallada joogtada ah ee lagu sameeyo maamulka gobolka Hiiraan?

7/14/2019 1:08 AM EST
Axad, July, 14, 2019 (HOL)-Madaxweyne Donald Trump ayaa ka baxay heshiiska Niyukleerka ee iran isaga oo ku xumaynaya madaxwaynihii ka horreeyay ee Barack Obama, sida ku cad warqad sir ah oo la soo dusiyay oo uu qoray safiirkii hore ee UK u fadhiyay Washinton.

7/14/2019 12:58 AM EST
Axad, July, 14, 2019 (HOL) -Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan la qaadatay mas'uuliyiin ka socday shirkadaha u adeega Xujeyda Somaaliyeed ee sanadkaan ku guuleystay inay xujeyda qaadaan.