4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 14, 2019
Madaxweyne Trump oo isaga baxay heshiis caalami ah

 

Axad, July, 14, 2019 (HOL)-Madaxweyne Donald Trump ayaa ka baxay heshiiska Niyukleerka ee iran isaga oo ku xumaynaya madaxwaynihii ka horreeyay ee Barack Obama, sida ku cad warqad sir ah oo la soo dusiyay oo uu qoray safiirkii hore ee UK u fadhiyay Washinton.

Sir Kim Darroch ayaa ku tilmaamay go'aankii Tump ee uu heshiiska kaga baxay in uu ahaa "dhaawac diblamaasiyadeed ", sida uu maanta qoray wargayska the Mail ee ka soo baxa dalka Britain.

Sida uu wargayska qoray warqadan sirta ah ayaa la qoray ka dib booqashadii wasiirkii arrimaha dibada ee Britain ee xilligaasi Boris Johnson oo isagu Mareykanka ka codsaday xilligaasi in aysan heshiiska Iiraan ka bixin.

Madaxwayne Trump ayaa u arkayay heshiiskii Niyukleerka ee Iiraan uu lala galay mid aan wanaagsanayn.

Wargeyska the Mail ayaa ku waramaya ka dib markii Mr Johnson uu UK ku laabtay uu safiirka UK ee Washinto Sir Kim uu warqad soo qoray taasi oo uu ku sheegayo in madaxwayne Trump ka bixitaankiisa heshiiska ay u muuqato in ay tahay "sababo shaqsiyadeed " sababtuna ay tahay in heshiiska uu saxiixay madaxwaynihii isaga ka horeeyay Barack Obama.

Danjiraha Britain ayaa la sheegay in uu bidhaamiyay in la taliyayaasha madaxwayne trump ay ku kala qaybsameen arrintan islamarkaana aysan xilligaasi dajinin istaraatijiyad ku aaddan waxa la samaynayo ka dib ka bixitaanka heshiiska.

Sir Kim Darroch ayaa isagu xilka ka dagay ka dib markii ay soo baxeen wararka ku saabsan warqadan sirta ah ee warbaahinta loo dusiyay.

Heshiiskaasi oo dalka Iiraan ay la galeen waddammada shanta ah ee xubnaha joogtada ka ah golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey , Jarmalka iyo Midowga Yurub ayaa la saxiixay bartamihii sannadkii 2015-kii.

Ujeeddada heshiiskan ayaa ahaa in la xaqiijiyo in barnaamijka Niyuukleerka Iiraan uu gebi ahaanba noqdo mid nabdoon, waxa uuna rasmiyan dhaqan galay bishii Janaayo ee sannadkii 2016-kii.

Iiraan ayaa hakisay qaar ka mid ah hawlaha barnaanijkeeda niyuukleerka iyada oo taa ku baddalaneysay in laga khafiifiyo qaar ka mid ah xayiraadaha dhaqaale ee saarnaa.

Mareykanka ayaa ka bixitaankii heshiiska ka dib cunaqabateyn cusub ku soo rogay Iiraan.

Iiraan ayaa dhankeeda ugu baaqaysa dalalka Yurub ee hesiiska qaybta ka ahaa inay heshiiska badbaadiyaan.

Macluumaadkan sirta ah ee warbaahinta loo soo dusiyay ayaa ku soo beegmiya xilli ay kacsan tahay xiisadda gobolka oo ay Iiraan iyo Mareykanka xaaladooda meel xun mareyso.

Xigasho BBC