4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2019
Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo cambaareeyay weerarkii Kismaayo

Sabti, July, 13,2019 (HOL)-  Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii galinkii dambe ee shalay ka dhacay hotel ku yaalla magaalada Kismaayo.

"Waxaan tacsi u tiiraanyo leh u dirayaa Qoysaska kuwa naftooda ku waayay weerarka wuxuuna u rajeeyay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo kabtaan waxyeelladii ka soo gaadhay gaadhay halkaasi." ayuu yiri xog-hayaha Qaramada Midoobay, António Guterres.

Afhayeenka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Stephene Dujarric ayaa sheegay in ay Qaramada Midoobay bulshada Soomaaliyeed u hayso taageera buuxda , una rajeynayso mustaqbal nabad ah.

Dhinaca kale, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Madeira oo weerarka cambaareeyay ayaa ku tilmaamay mid la doonayo in dib loogu dhigo horumarka iyo dib u dhiska dalka,wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu sii xoojinayo guulaha laga gaaray nabada iyo xasiloonida dalka.

"Soomaaliya waxay horumar weyn ka sameysay sidii ay u qabsan lahayd dhul baaxad weyn,waxayna argagixisada ka saartay meelo badan oo dalka ka mid ah. Ciidamada AMISOM waxay sii wadi doonaan inay taageeraan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyaga oo sii amba-qaadaya xoreynta deegaanada ku harsan gacanta kooxaha nabad diidka ah." ayuu yiri Amb Francisco Madeira.

26 ruux ayaa ku geeriyootay weerarka oo ay mas'uuliyadiisa sheegteen kooxda Al-Shabaab.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]