4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2019
Madaxweynaha Jubbaland oo faahfaahiyay khasaaraha weerarkii hotel Cas-caseey


Sabti,July, 13, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa markii u horreeysay faahfaahin ka bixiyay khasaaraha weerarkii galinkii dambe lagu qaaday hotelka Cascaseey.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in 26 qof ay ku dhinteen weerarka halka 56 kalana ay ku dhaawacmeen isagoo sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan qaar haystay jinsiyadaha dalalka  Kenyan          3 qof. Canadian       1 qof. British            1 qof. American      2 qof. Tanzanian     3 qof.
Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in labo qof oo u dhalatay waddanka Shiinaha ay kamid yihiin dadka dhaawacmay kuwaas oo hadda xaaladoodu aad u wanaagsan tahay.

Intaa kaddib wuxuu tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay weerarka, isagoo si gaar ah tacsi ugu diray ehelada uu ka baxay Xildhibaan hore haddana ahaa musharrax u tartamayay xilka madaxtinimo ee Jubbaland Xildhibaan Shuuriye iyo Alle ha u Naxariistee wasiir hore oo Jubbaland ah Jaamac Fariid iyo marwadiisa Hodan Nalaaye, wuxuu Illahay  uga baryay dhammaan dadka dhintay in uu janadii fardowso ka waraabiyo kuwa dhaawaca ahna wuxuu u rajeeyay caafimaad taam ah.

Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in raga weerarka soo qaaday ay ahayeen afar qof kuwaas oo mid kamid ah uu Hotelka isku qarxiyay mid kalana isaga oo nool ay ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen halka labada kale toogasho lagu dilay.

Madaxweynaha ayaa shacabka reer Kismaayo uga digey inay ka feejignaadaan goobaha falalkan oo kale ay ka dhacaan oo ay ka dheeraadaan si ayna khasaaraha usii badinin.

Waxaa ku ammaanay dadaalkii ay muujiyeen ciidammada ammaanka oo dad farabadan kasoo badbaadiyay hotelka sidoo kalana ,waxaa uu intaas ku daray in ammaanka la xoojin doono , isagoo faray hay’addaha ammaanka in ay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan sida ay wax u dheceen dibna shacabka ay ula wadaagi doonan.

Gabagabadii, wuxuu sheegay  in warbixin dheerad ah oo la xiriirta sida ay wax u dheceen dhowaan ay Jubbaland soo saarayso kaddib marka hay’adaha ammaanku ay dhameeyaan baaritaanada ay wadaan taas oo la xiriirta waxyaabaha xilligan kusoo beegay falkan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]