4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 13, 2019
Ciyaarahii Todobaadka Soomaalida Canada oo Shalay ka Furmay Toronto

Sabti July 13 2019(HOL) Magaaladda Toronto ee dalka Canada waxaa shalay ka furmay ciyaaraha todobaadka Soomaalida Canada oo sanadkii 29aad lagu qabanayo magaaladaas,waxaana sanad walba xiligaan oo kale hawshaa qabanqaabadeeda si buuxda u gala ururka horemarinta dhalinyarada ee TODAY kuwaas oo isku abaabula habsami u qabsoomida tartankaas.

Cabdulaahi Yuusuf oo madaxa TODAY ayaa HOL u sheegay in sanadkaan ay tartankaan ka soo qaybgaleen 14 Kooxood oo kala yimi dalalka Canada,Maraykanka iyo Ingiriiska.

Waxayna dhalinyaradaan ciyaaraysay shalay soo bandhigeen ciyaaro farsamadoodu sareeyso,furitaankii ciyaarahaan waxaa ka soo qaybgalay dadwayne fara badan qaar dagan magaalooynka dalkaan & kuwo ka kala yimi dalalka Yurub iyo Maraykanka.

Waxaana garoonka ka muuqaanayey ciyaartooydii hore qaar ka mida oo ka kala yimi dalal dhawra. Ciyaarahaan ayaa socon doona ilaa 21 July oo maalintaas la ciyaarayo ciyaarta kama danabysta ah.



Ciyaartii kowaad ee shalay ayaa dhexmartay kooxaha Halgan United oo Minnesota ka timi iyo koox ku ciyaaraysay magaca Hamilton Canada waxayna ahayd ciyaar aad u wanaagsan in kastoo qaybtii hore ee ciyaarta lagula nastay 2 halgan 1 Hamilton, qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa loogu awood sheegtay kooxdii ka socotay Canada 5 gool  iyo 2 gool halkaas oo kooxdii Halgan ay guushu ku raacday.

Siyad Said Salah
hiiraan online
Toronto Canada