4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2019
Baarlamaanka Puntland oo doortay xubnaha guddiga joogtada ah

Isniin, Janaayo, 21, 2019 (HOL)-  Golaha wakiilada Puntland ayaa maanta iska dhex-doortay guddiga joogtada ah oo ka kooban 13 xubnood.

Guddiga ayaa waxaa ka mid noqotay gabadha kaliya ee Baarlamaanka ka midka ah Naciimo Cabdi Caarshe , kaddib markii ay 56-cod kaga guulaysatay Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo xubin Baarlamaan ahaa illaa sannadkii 1998.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ku dhowaaqay liiska guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland ,kuwaas oo kala ah;

Cabdixakiin Dhoobo Daareed - Guddoomiye

Abuukaate Cabdicasiis Cismaan Cabdullaahi -Gudoomiye Ku xigeenka koowaad

Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Warsame -Gudoomiye Ku xigeenka labaad

Xildhibaan Cabdiqani Abshir Surato

Xildhibaan Fu’aad Abshir Axmed.

Xildhibaan Axmed Jaamac Caddulle

Xildhibaan Cawil Xasan Daad.

Xildhibaan Muuse siciid Xasan

Xildhibaan Cabdicasiis siciid Maxamed

Xildhibaan Jaamac Yaasiin Jaamac

Xildhibaan Cali Axmed Saalax

Xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab

iyo Xildhibaan Nimco Cabdi Caarshe.



Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]