4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2019
Ciidamada Kenya oo xalay bur buriyay xarun isgaar-siineed gobolka Jubbada Hoose

 

Isniin, Janaayo, 21, 2019 (HOL)-Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo la soo xiriira Hiiraan Online ayaa sheegay in ciidamada Kenya xalay gubeen xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Dhuyac –Garoon oo ka tirsan degmada Salagle ee gobolka Jubbada Hoose.

Qof ka tirsan shaqaalaha shirkadda oo waqtigaa ku sugnaa xarunta ayaa la sheegay in ay ciidamadu dibedda uga saareen kaddibna halkaa ku bur buriyeen agabkii yeelay iyo Anteennadii shirkadda intaba, ciidamada ayaa lagu eedeeyay in ay bur burinta xarunta u adeegsadeen Miino ama walxaha qarxa.

Xarunta ayaa qeyb ka ah xarumihii dhawaan hawadda ka baxay markii sidan oo kale loo gubay xaruntii Isgaarsiinta ee deegaanka Calibuley.

Waxaa hawadda ka maqan oo aan shaqeyn sida lagu soo waramayo qeybo ka mid ah deegaannada gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo xiriirka isgaarsiinta ka qaadan jiray xarumaha la bur buriyay.

 

Lix maalmood ka hor ayeey aheyd markii sidan oo kale ciidamada u bur buriyeen xaruntii Isgaarsiinta shirkadda ee deegaanka Calibuley, waxaana hawadda ka maqan Isgaarsiinta qeybo ka mid ah deegaanno hoos taga Ceelwaaq ilaa Dhoobley, waxaana marka laga soot ago isticmaalka isgaarsiinta dadku u adeegsan jireen isku gudbinta lacagaha EVC Plus

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah o oka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo la xiriira eedeymahan loo jeedinayo ciidamada Kenya ee bur burinta xarumaha Isgaarsiinta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]