4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2019
Guurtidda Somaliland oo u kordhiyey golaha Wakiilada iyo mudada doorashada oo ay cayimeen

 

Isniin, Janaayo, 21, 2019(HOL)-Golaha Guurtidda Somalialnd ayaa maanta u kordhiyey golaha Wakiilada muddo sideed bilood iyo 15 cisho ah in loo kordhiyey,isla markaana doorashadu ay dhici doonto December/12/2019.

Golaha guurtida ayaa muddo kordhintan gaaban ku saleeyey talooyinkii saddexda xisbi, qaadhaanbixiyeyaasha taageera doorashadda Somaliland iyo dalalka saaxiibka la ah Somaliland oo iyaguna muddo gaaban raba in la kordhiyo.

Golaha wakiilada ayaa muddo xileedkooddu ku eekaa bisha afraad ee sanadkan 2019-ka, ayaa loo kordhiyey sideed bilood iyo badh, halka Guurtidduna muddo xileedkoodu noqon doono sanad ka dib doorashadda golaha Wakiiladda.

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha guurtidda oo xildhibaanadda u akhriyeya soojeedintoodda ayaa sheegay inay u qorsheeyeen inay doorashaddu dhacdo 12/12/2019, muddo xileedkooduna noqdo doorashada bil ka dib oo ku beegan 12/1/20120.

Xildhibaanada golaha Guurtida ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyey muddada loo kordhiyey golaha Wakiilada iyo wakhtiga doorashaddu dhacayso.

Dhinaca kale, gudoomiyaha golaha Guurtiddu Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa kalfadhiga ka joojiyey inay soo galaan toddobo xildhibaan oo ka mid ahaa guddida ka soo tallo bixinta muddada la kordhinayo ,kuwaas oo iyagu doonayey in la kordhiyo laba sanno.

Gudoomiyuhu wuxuu shegay in todobadaasi xildhibaan ka baxeen markii guddidu isku afgaratay in sideed bilood la kordhiyo, taaasina ay keentay inay kalfadhigaba ka joojiyaan.

Sidoo kale, xildhibaanada loo diiday inay golaha soo galaan ayaa ku dooday inuu shirgudoonku ku qasbayey aragtidiisa, taasina ay keentay inay iskaga baxaan, waxaanay ku doodeen in laba sanno uun lagu qaban karo doorashadda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.