4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2019
Faah faahin : Nin Ajnabi ah oo looga shakiyay in uu walxaha qarxa la raaci lahaa diyaaradda Ethiopian Airlines

 

Isniin, Janaayo, 21, 2019 (HOL) -Ninkan Ajnabiga ah ee u dhashay dalka Britain ayaa laga qabtay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho xili uu ku qornaa diyaaradda Ethiopian Airlines, kaddib markii mid ka mid ah Boorsooyinkii uu sitay laga helay agab looga shakiyay walxaha qarxa.

Inkastoo Hiiraan Online aysan u suurtagalin ay hesho magaca Ninkan haddana ilo xog ogaal ah oo aan soo xiganay ayaa inoo sheegay in mid ka mid ah Boorsooyinkiisa lagu arkay agab u muuqday in ay yihiin kuwa qarxa oo ay soo saareen qalabka lagu baaro qeybta Alaabta la mariyo qeybta  xamuulka ama (Cargo) taasoo keentay in loo diro hay'addaha baarista ku shaqada leh oo hadda gacanta ku haya.

Laakiin xogta ay heshay Hiiraan Online ayaa sheegaya in walxaha la qabtay ee laga helay Boorsada Ninkan Ajnabiga aheyn walxo qarxa oo dhibaato geysan kara laakiin loo maleynayo in ay ahaayeen oo kaliya bombka loo isticmaalo ka hortagga bannaanbaxyada oo dadka ka ilmeeysiisa, balse shakiga ugu weyn ayaa ka dhashay in walxahaasi noqdaan kuwo mari waaya Aaladaha wax baara ee Garoonka.

Kiiska Ninkan ayaa la sheegay in ay hadda la wareegtay Safaaradda Britain oo la sheegay in ay u qabtay Qarreenno u doodda.

Waxaa uu horay uga tirsanaa oo uu ka ruqseystay shaqaalaha shirkadda SKA ee ka howlgasha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Waa markii ugu horeysay oo laamaha Amaanka garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde gacanta ku dhigan qof Ajnabi ah looga shakiyay in uu la raaci lahaa mid ka mid ah diyaaradaha Caalamiga agab looga shakiyay walxaha Qarxa.

Sabab la xiriirta xariga ninkaan ayeey u baaqatay sharikadda Ethiopian Airlines labadii maalmood ee la soo dhaafay, ayada oo jawaab ka sugeeysay baaritaanka xariga ninkaas. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]