3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2019
Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo deeq waxbarasho u direysa Ardeydii kaalmaha hore ka galay imtixaanka dowladda

Isniin., Janaayo, 21, 2019 (HOL) -  Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Feysal Cumar Guuleed,wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada, iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada ,ayaa maanta kulan wada jira la qatay 10-kii ardey ee kaalmaha hore ka galay imtixaankii ay qaaday wasaaradda waxbarashada  ee 2017,2018-ka.

Madaxda wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka ayaa 10 ardey ee kaalmaha hore ka galay imtixaanka dowladda u ballan qaaday inay waxbarasho dibadda u diri doonto.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in mar walba wasaaradda waxbarashada ay diyaar u tahay kor u qaadista waxbarashadda ardayda Soomaaliyeed.

‘’Ka wasaarad ahaan waajib ayaa naga saaran sidaan u dhisi laheyn aqoonta ardayda Soomaaliyeed,waxana naga go’an in aan meel sare gaarsiino arday kasta waxana ay qeyb ka tahay hamigeena dhow”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada.

Wasiiro dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdule (jaabir) ayaa ardayda kala hadlay hamigooda ah heerka ay doonayaan in ay ka garaan waxbarashada waxana uu balan qaday in ka wasaarad ahaan ay garab istaagi doonaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Xasan Maxamed Cali ayaa sheegay in wax lagu farxo aytahay in ardayda Soomaaliyeed ay u diyaarsan yihiin in ay heer ka gaaraan waxbarashada.

Wasaaradda waxbarashada ayaa wada dadaalo ku adan sidii kor loogu qaadi lahaaa waxbarashada ardayda Soomaaliyeed, iyadoo deeqo waxbarasho loo diray ardey Soomaaliyeed kuwaasoo hadda wax ka barta dalalka Shiinaha, Suudaan, Itoobiya ,Ruushka iyo Masar.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]















Click here
1/21/2019 3:25 PM EST
Isniin, Janaayo, 21, 2019 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray wasaaradaha maaliyadda, arrimaha dibdada, qorshaynta, shaqaalaha iyo hawlaha guud si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

1/21/2019 3:16 PM EST
Isniin, Janaayo, 21, 2019 (HOL)- Golaha wakiilada Puntland ayaa maanta iska dhex-doortay guddiga joogtada ah oo ka kooban 13 xubnood.

1/21/2019 1:50 PM EST
Isniin, Janaayo, 21, 2019 (HOL)- Saddex dhakhtar oo ka howlgalla Isbitaalka Muqdisho City ayaa ku dhaawacmay qarax lagu xiray baabuur oo galabta ka dhacay degmada Hodan ee caasimadda Muqdisho.

1/21/2019 10:43 AM EST
Isniin, Janaayo, 21, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay warka ku saabsan Nin Ajnabi ah oo u dhashay dalka Britain oo lagu qabtay gudaha garoonka diyaaradaha xili uu doonayay in uu raaco diyaarada Ethiopia Airlines

1/21/2019 10:27 AM EST
Isniin, Janaayo, 21, 2019 (HOL)- Saddexda xisbi ee Somaliland ayaa soo dhoweeyey mudada loo kordhiyey golaha Wakiiladda oo ah muddo gaaban.

1/21/2019 10:10 AM EST
Isniin, Janaayo, 201,2019 (HOL)-Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo la soo xiriira Hiiraan Online ayaa sheegay in ciidamada Kenya xalay gubeen xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Dhuyac –Garoon oo ka tirsan degmada Salagle ee gobolka Jubbada Hoose.

1/21/2019 8:24 AM EST
Isniin, Janaayo, 21, 2019(HOL)-Golaha Guurtidda Somalialnd ayaa maanta u kordhiyey golaha Wakiilada muddo sideed bilood iyo 15 cisho ah in loo kordhiyey,isla markaana doorashadu ay dhici doonto December/12/2019.

1/21/2019 7:42 AM EST
Isniin, Janaayo, 21, 2019 (HOL) -Ninkan Ajnabiga ah ee u dhashay dalka Britain ayaa laga qabtay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho xili uu ku qornaa diyaaradda Ethiopian Airlines, kaddib markii mid ka mid ah Boorsooyinkii uu sitay laga helay agab looga shakiyay walxaha qarxa.

1/21/2019 7:22 AM EST
Isniin., Janaayo, 21, 2019 (HOL) - Baarlamaanka Puntland ayaa lagu wadaa hannaan cusub inuu ku ansixiyo wasiirrada uu soo magacaabayo, madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni,sida laga soo xigtay qaar ka mid ah xildhibaannada.

1/21/2019 6:46 AM EST
Isniin, Janaayo, 21, 2019 (HOL)-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka ee waddanka ka shaqeeya maanta waxa ay ku dhawaaqeen Qorshaha ka Falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada ee 2019. Dowladda iyo Hay’adahu waxa ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo deeq degdeg ah si howlaha gurmadka loo sii wado.

1/21/2019 5:44 AM EST
Isniin, Janaayo, 21, 2019 (HOL)-Laamaha ammaanka ee Kenya waxay sheegeen inay fashiliyeen weerar dabley hubeysan ay ku qaaday deegaan ku yaalla magaalada Gaarisa.

1/21/2019 3:50 AM EST
Isniin., Janaayo, 21, 2019 (HOL) - Nin u dhashay dalka Britain oo horayna ula shaqeyn jiray sharikadda SKA ee ka howl-gasha garoonka Aadan Cadde ayaa ku xiran xaruunta CID ee magaalada Muqdishu sida uu u xaqiijiyey sarkaal sare oo ka tirsan maamulka garoonka.

1/21/2019 1:06 AM EST
Isniin., Janaayo, 21, 2019 (HOL) – Magaalada Baydhabo waxaa ka soconaya kulamo u muuqda in lagu xalinayo shaqaaqadii ka dhalay xarigga Mukhtaar Rooboow oo sanadkii hore ciidamada Itoobiya ka qabteen gudaha magaalada Baydhabo isaga oo ka mid ahaa musharixiintii u taagneyd qabashada xilka madaxweynaha.

1/21/2019 12:45 AM EST
Isniin., Janaayo, 21, 2019 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Ciise Cawad ayaa isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu shirka wadamada Carabta uga qeybgalay magaalada Bayruut ee dalka Lubnaan.